![]() |
Todobaadkii hore ayay ahayd markii falal noocan oo kale ah oo lagu dhaawacay afar ruux oo Soomaali ah ay ka dhaceen isla deegaanka Mfuleni oo ka mid ahaa jiray tuulooyinka ugu nabdoon Cape Town.
Dhacdadan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli kulan looga hadlayay adkeynta ammaanka Soomaalida ay mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida la qaateen saraakiisha sar-sare ee hay’adaha ammaanka gaar ahaan booliska Cape Town.
Cabdweli Sheekh C/raxmaan oo ah xoghayaha guud ee (Somali Comunity Board of South Africa) oo hormuud u ahaa Soomaalida ka qaybgashay kulankaasi ayaa sheegay in waxyaabaha la isku afgartay kulankaasi ay ka mid ahaayeen:
- In waqti go'an loo yeelo xilliga la xirayo dukaamada Soomaalida.
- In muraayadaha aanu xabadda karin lagu xiro afaafka hore ee dukaanka.
- In albaab labaad loo sameeyo dukaamada si loo helo irid laga bixi karo haday musiibo timaado (Emergency Exit).
- In laba qof ay kawada shaqeeyaan dukaamada laga billaabo galabtii illaa habeenkii xilliga la xirayo.
Dhanka kale, ciidamada booliiska Koonfur Afrika ayaa lagu eedeeyay in marka ay u soo gurmadaan Soomaalida ay ka qaataan ka qaata dukaaadooda wixii ay doonaan iyadoo aan loo ogolaan.
Saddexdii bilood ee la soo dhaafay ugu yaraan 13-qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay deegaannada Philipy, Mfuleni, Khaylitsha, Yanga, Stelenboch iyo tuulooyin kale oo dhammaantood hoos-yimaada magaalo-xeebeedda Cape Town oo ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Koonfur Afrika ku nool.
Cabdirisaaq Indha Jaceyl
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika
