Axad, September 09, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo lagu wado in berri oo Isniin ah lagu qabto doorashada madaxnimo ee dalka kaddib 42-sano ayaa waxaa ka socda ololayaal doorasho oo ay wadaan 25-ka murashax ee ku tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Dadweyne fara badan oo wata sawirrada murashaxiinta qaarkood iyo baabuur ay ku xiran yihiin cod baahiyeyaal ayna ku dhaggan yihiin sawirrada murashaxiinta oo ay qaarkood heeso ka daaran yihiin ayaa lagu arkayaa waddada Maka Al-Mukarama oo ah midda ugu mashquulka badan xilligan magaalada Muqdisho.
"Xildhibaannada waxaan ugu baaqaynaa inay doortaan hoggaamiye dalka badbaadin kara," ayay ka sinnaayeen dadka dibadbaxayada dhigayay iyo codadka ka baxayay cod-baahiyeyaasha ku xiray gaadiidka.
Murashaxiinta ayaa waxay ku tartamayaan sidii ay codadka ku heli lahaayeen ayna dadka uga dhaadhicin lahayaeen inay yihiin mas'uuliyin wax badan ka bedeli doona xaalka uu dalka ku sugan yahay.
Caruur iyo haween loo dhiibay calanka Soomaaliya isla markaana sida sawirrada murashaxiinta ayaa waxay socod ku marayaan waddooyinka Muqdisho qaarkood, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in dadkaas ay yihiin kuwo la ijaartay si dadka kale loo tuso in taageero badan uu murashaxu ku dhex leeyahay bulshada.
Jawiga ay ku jirto Muqdisho maanta ayaa si weyn uga bedelen jawiyadii ay soo martay 21-kii sano ee ay dagaalladu socdeen, waxaana xubnaha xil doonka ah ay ku tartamayaan helidda taageerada shacabka, halka kuwii hore ay taageeradooda ku raadin jireen cabsi-gelinta shacabka.
Doorashada oo berri dhacaysa ayaa lagu wadaa in isla berri lagu dhawaaqo cidda ku guuleysatay loona dhaariyo xilka, iyadoo madaxweynahaas laga sugayo inuu la tacaamulo dal aanay nabadi ka jirin iyo dad la qabsaday colaadaha dabada dheeraday.
Hiiraan Online ayaa waxay si toos ah u soo tabin doontaa doorashada madaxnimo ee dalka, iyadoo ay dadweynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay kala socon doonaan HOL sida ay doorashadu u dhacayso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Murashaxiinta u tartamaya Kursiga Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Muqdisho ka wada ololayaal doorasho oo xoog leh
More News
- Gabdhaha qurbaha kasoo noqonaya oo qayb ka ah dib u dhiska dalka ka bilowday
- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay saacado kahor doorashada iyo musharraxiinta oo dardargaliyay ola'olahooda
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in laga qayb-qaato sugidda Ammaanka inta doorashadu socoto
- Guddiga Doorashada oo sheegay in mid ka mid ah Murashaxiinta uu ka Tanaasulay ka qaybgalka doorashadea Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Qaraxyo khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha, Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay xaflad loo sameeyey arday ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud
- Soomaali lagu dhaawacay duleedka Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika iyo go'aanno laga soo saaray kulanka Ammaanka Soomaalida looga hadlay
- Ciidammada dowladda iyo kooxo hubeysan oo xalay ku dagaalamay xaafadda Xamar-jadiid ee Degmada Wardhiigley
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Shariif Sheekh Axmed oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho