3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2012
Madaxweynaha Somaliland: “Waan soo dhaweyneynaa ciddii kusoo baxda Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya"
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay galabta ku laabtay magaalada Hargeysa kaddib ka qaybgalkii aaskii ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo kusoo baxda doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.


Madaxweynaha oo ka dagay garoonka Hargeysa ayaa qolka nasashadda kula hadlay warbaahinta isagoo ka hadlay safarkii uu kaga qaybgalay aaskii Zenawi iyo sidoo kale doorashada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.

“Aniga iyo weftigii aan hoggaaminayay waxaanu ka qayb-galay aaskii Males Zanawi oo dhawaan geeriyooday oo aaskiisa dunida oo dhan waa la isaga yimid,” ayuu yiri Siilaanyo oo intaas ku daray: “Itoobiya waa dal aynu jaar nahay. Waa dalka ay ku taallo xaruntii midowga Afrika. Waana dal aynu saaxiib nahay oo xiriir wanaagsani naga dhaxeeyo.”

“Ra'iisul wasaarihii Itoobiya wuxuu ahaa nin aynu in badan kulannay, waxaa innaga dhaxeeyay xiriir gaar ah. Waxaanu ahaa mid aad iyo aad inoogu roonaa oo aynu saaxiib ahayn. Tacsidaasi ayaanu ka qayb-galay innagoo ka wakiil ah shacbiga Somaliland,” ayuu raaciyay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashadda madaxweynenimo ee ka dhacaysa magaalada Muqdisho ay tahay mid u taalla shacabka Soomaaliya, balse aanay khuseyn Somaliland, sidaa darteedna ay ixtiraamayaan ciddii doorashadaas kusoo baxda, isagoo arrintaasi si kooban uga hadlayayna wuxuu yidhi: “Doorashada madaxweynenimo ee dalka Somaliya waa mid u taalla shacabka waddankaas, laakiin Somaliland way ku ixtiraamaysaa ciddii ay dooranayaan.”

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa madaarka Hargeysa kaga hortagay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, masuuliyiinta hay’adaha dawlada, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka wakiiladda iyo guurtida.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
9/5/2012 12:13 PM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa maanta shaaciyay magacyada murashaxiin buuxiyay shuruudihii looga baahnaa kuwaasoo ka mid ah 37 xubnood oo illaa iyo hadda gudbiyay araajidooda.

9/5/2012 8:49 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal kasoo baxay guddida diiwaangelinta doorashooyinka madaxweynenimo ee Somaliland oo sharci-daro ku tilmaamay shirkii lagu doortay musharaxiinta doorshada madaxweynenimo ee Somaliland uga qaybgeli doona xisbiga UDUB oo kala ah, Cali Waran-Cadde iyo Axmed Xaaji Daahir.

9/5/2012 8:27 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanno ku yaalla xeebta bad-weynta Hindiya oo ay ka mid tahay Ceel-macaan oo ay ku taallo dekeda macmal ah oo ay sheegeen in Al-shabaab ay u isticmaali jirtay inay kala soo dagaan hbka iyo dagaalyahannada ajnabiga ah.

9/5/2012 7:16 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dalladda dhaliyarada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya (South Central Somali Youth Umbrella) ayaa kulan weyn oo uu ka qayb-galeen arday iyo dadweyne fara badan ayaa waxay ku qabteen Muqdihso.

9/5/2012 3:19 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan degmooyinka Maxaas iyo Moqokori 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku jireen gurmad xoog leh oo la xiriir bal sidii wax badan looga ogaan lahaa ugu danbeytii khasaaraha uu sababay dab habeen hore qabsaday dhul howd ah oo u dhaxeeya labada degmo.

9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeeyay Talaadadii shalay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose, xilli ay degmadaas uga qaxayaan dagaallada awgood dad fara badan.

9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan labadii dhinac ee dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe gudaha degmada Garbahaarey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.