Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan degmooyinka Maxaas iyo Moqokori 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku jireen gurmad xoog leh oo la xiriir bal sidii wax badan looga ogaan lahaa ugu danbeytii khasaaraha uu sababay dab habeen hore qabsaday dhul howd ah oo u dhaxeeya labada degmo.
Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxay waxaa ay sheegayaan in aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax ku noqotay dabka, maadaama maalintii shalay la sheegay in labo caruur ah ku dhinteen.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaannadaas ayaa sheegay in afar ruux oo lagu weysanaa dabka loona maleeyay in ay dhinteen markii danbe la halley, kadib markii u baxsadeen meelo kale oo uusan dabku gaarin, taasoo calaamad u ah in ilaa iyo hadda aysan jirin cid wax ku noqotay dabka.
Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Max'ed Xalane oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in labo caruur ah ay ku dhinteen dabka, sidoo kalana guryo iyo xoolo intaba baabi’iyay.
Maamulka dowladda gobollka Hiiraan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegay in looga baahan yahay hay’addaha samafalku in ay gurmad xoog leh u sameeyaan dadka reer miiyi’ga ah ee uu dabku qabsaday, oo markii horeba la daalaa dhacayay xaalado dhinaca nolasha ah.
Marka laga soo tago khasaaraha ilaa iyo hadda aan leysla meel dhigin ee uu dabkaasi sababay, ayaa haddana dhinaca waxaan wali la ogeyn sababta rasmiga ah ee dhalisay dabka oo la sheegay in uu ku fiday dhul balaaran oo u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Moqokori.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Deegaannadii uu ka kacay dabka Khasaaraha badan geystay ee Gobolka Hiiraan
More News
- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Shaaciyay Magacyada Murashaxiin Buuxiyay Shuruudihii looga baahnaa
- Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo kasoo horjeestay go’aan lagu diiday Murashaxiin ay u xusheen ka qaybgalka doorashada Somaliland
- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo qabsaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe
- Dalladda Dhallinyarada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ee (SOCSOYU) oo Qabtay Kulan uu ka Qayb-galay Yuusuf Garaad
- Madaxweynaha Somaliland: “Waan soo dhaweyneynaa ciddii kusoo baxda Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya"
- Markab laga leeyahay dalka Kenya oo duqeeyay Dekedda iyo Garoonka Kismaayo iyo dad badan oo degmadaas ka Qaxaya
- Dagaal culus oo Degmada Garbahaarey ku dhexmaray Ciidammada Dowladda Somalia iyo Xoogagga Xarakada Al-shabaab