4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2012
Markab laga leeyahay dalka Kenya oo duqeeyay Dekedda iyo Garoonka Kismaayo iyo dad badan oo degmadaas ka Qaxaya
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeeyay Talaadadii shalay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose, xilli ay degmadaas uga qaxayaan dagaallada awgood dad fara badan.

Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in duqeyntan ay qayb ka tahay olole la doonayo in Al-shabaab looga saaro Kismaayo, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha ay duqeyntaas geysatay.

"Duqeyntan waxay qayb ka tahay qorshaha la doonayo in Kismaayo looga saaro Al-shabaab. Saddex jaho ayay weerarradu uga socdaan," ayuu yiri Col. Oguna, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in xilli dhow ay geli doonaan degmadaas.

Saraakiil u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in saraakiisha Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay adeegsanayaan dacaayado ay ku doonayaan inay dadka ku nool Kismaayo baqdin ku geliyaan si ay magaalada uga barakacaan.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in dad badan ay magaalada isaga baxayaan, kuwaasoo qaarkood aadaya dhinaca Muqdisho, halka kuwo kalena ay u baxayaan dhinaca soohdimaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Bishii hore ayay saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan waxay saxaafadda u sheegeen inay qabsan doonaan Kismaayo inta aysan dhicin doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo 10-ka bishan September.

"Xaaladdu aad ayay u adag tahay, dad badan ayaa isaga baxaya magaalada, balse xoogagga Al-shabaab ay isticmaalayaan awood si aysan dadku u barakicin. Dadku waxaa cabsi weyn geliyay duqeymaha joogtada ka noqaday magaalada," ayuu yiri Maxamed Cali oo ka mid ah dadkii ka barakacayay Kismaayo.

Sidoo kale, Maxamuud Geelle oo ka mid ah waxgaradka Kismaayo ayaa sheegay in qof walba uu doonayo inuu ka baxo magaalada si uu uga nabad galo dagaallada iyo duqeymaha ku dhacaya magaalada.

Xarakada Al-shabaab ayaa ciidammo badan dhoobtay daafaha iyo gudaha degmada Kismaayo iyadoo wacad ku martay inay difaacanayso, iyadoo Kismaayo ay tahay magaalada ugu weyn magaalooyinka ay Al-shabaab xilligan ka taliso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya