4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2012
Dagaal culus oo Degmada Garbahaarey ku dhexmaray Ciidammada Dowladda Somalia iyo Xoogagga Xarakada Al-shabaab
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan labadii dhinac ee dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe gudaha degmada Garbahaarey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalka ayaa qarxay markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab galeen gudaha degmadaas oo ah xarunta gobolka Gedo, waxaana dagaalku uu gudaha degmadaas ka socday muddo hal saac ah.

"Waxaan aragnay dhimashada afar ka mid ah labadii dhinac iyo laba qof oo shacab ah, kuwaasoo rasaastii ay labada dhinac isdhaafsanayeen ugu tagtay guryahooda," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmadaas.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha degmada Garbahaarey ayaa sheegay inay xoog kaga saareen dagaalyahannadii Al-shabaab degmada, balse ma aysan sheegin khasaare dhankooda soo gaaray iyo khasaare ay xoogaggii Al-shabaab u geysteen.

Mas'uuliyiin u hadlay Al-shabaab oo iyaguna ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay gudaha degmada Garbahaarey ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus ayna iskood uga baxeen degmada kaddib markii ay ka gaareen ujeeddooyinkii ay u galeen degmadaas.

Degmada Garbahaarey oo tan iyo sannadkii 2010 ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ayaa waxay Al-shabaab dhowr jeer u galeen gudaha, iyadoo dagaalladaas ay dhaliyeen khasaare badan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Xaaladda degmada ayaa saakay daggan, iyadoo ciidamada dowladda ay kawadaan gudaha degmadaas baaritaanno ay ku raadinayaan qaar ka mid ah xoogaggii xalay ay kula dagaalameen guaha Garbahaarey, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin xoogaggii xalay weeraray xarunta gobolka Gedo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya