Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay ha'yadaha gargaarka ee caalamka iyo kuwa Qaramada Midoobay inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay halkaas ugu caawiyaan dadka gargaarka u baahan.
Kibaki oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka oo uu ka furmay shirkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Soomaaliya laga saaray Al-shabaab oo horay hay'adaha gargaarka ugu diiday inay ka howlgalaan.
"Waxaan ku faraxsannahay isbedellada siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay, kuwaasoo ka dhashay fulinta heshiiskii Roadmap-ka. Kenya waxay sidoo kale soo dhaweynaysaa shirarka looga hadlayo Soomaaliya ee dhici doona. kuwaasoo aan rumeysannahay inay qayb ka qaadanayaan gacan-siinta mustaqbalka Soomaaliya," ayuu yiri Kibaki.
Sidoo kale, Kibaki ayaa ka dalbaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon in dalkiisa gacan laga siiyo sidii qoxootiga Soomaalida dib loogu celin lahaa dalkooda, gaar ahaan goobaha laga saaray Al-shabaab oo uu sheegay inuu ammaan ka jiro.
Deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku yaalla xeryaha qoxootiga ee dunida ugu weyn, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qof oo qoxooti Soomaliyeed ah oo ka cararay dagaallada 21-ka sano ka socday Soomaaliay iyo abaaraha soo laalaabtay.
Madaxweynaha Kenya, wuxuu sidoo kale ka hadlay howgallada ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka ay yihiin kuwo Al-shabaab looga xoreeyay dhul ballaaran oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.
"Shaki iigama jiro in qoysaska Soomaaliyeed ay dib ugu laaban karaan goobahaas la xoreeyay, iyagoo ku noolaanaya nabad iyo deggenaasho," ayuu yiri Kibaki oo ku si adag ugu boorriyay hay'adaha gargaarka inay goobahaas dib uga howlgalaan.
Kenya ayaa waxaa gudaha Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo horraantii sannadkan ku biiray howgalka Midowga Afrika ee AMSIOM, kuwaasoo dhawaanahan waday dagaallo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Kismaayo oo weli gacanta ugu jirta Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Kenya oo Hay'adaha Gargaarka ugu baaqay inay Gudaha Soomaaliya ku caawiyaan dadka dhibaateysan
More News
- Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo
- Nin lagu eedeeyey inuu Al-shabaab ka tirsanaa oo Muddo ku xirnaa Jeelka Berbera oo maxkamadda Somaliland ay go'aan ka gaartay
- Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo billaabay inay la Wareegaan Amniga Baladweyne
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo furay shir lagu Qiimanayo maamul Dedejinta Dowladaha Hoose ee Somaliland
- Madaxii Wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Siyaasad ahaan iyo Maamul ahaa ay ka baxeen Xarakada Al-shabaab
- Kenya oo sheegay inay hubka ka dhigtay Askari Ciidankeeda ka tirsanaa oo si bareer ah u toogtay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed
- Ciidamada AMISOM oo ka qayb-galay iska-horimaad dhexmaray ciidamada Dowladda Somalia oo ka dhacay duleedka Muqdisho
- Safiirka Denmark ee Soomaaliya oo Booqasho ku tagay Magaalada Garoowe iyo arday deeqo waxbarasho loogu diray Itoobiya