Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay hubka ka dhigtay askari ciidamadeeda ka tirsan oo si bareer ah u toogtay lix qof oo ahaa xoolo dhaqato Soomaaliyeed kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Janaay-cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna oo warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in falkaas ay aad uga qoomameynayaan, isagoo sheegay in howsha baarista dhacadan ay waddo AMISOM oo ay ciidamadooda ka tirsan yihiin, iyaguna ay baaris ku sameyn doonaan askariga.
"Mid ka mid ah askarteenna ku sugan Jubbada hoose ayaa toogasho ku dilay lix qof oo Soomaali ah. Askari si dhaqso ah ayaa hubka looga dhigay, waxaana marinayaa ciqaab adag haddii uu dilka ku caddaado," ayuu yiri Col. Oguna.
Kenya ma aysan sheegin magaca askariga falkaas geystay, iyadoo saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka ay xaqiijiyeen in askariga iyo laba qof oo uu dhaawacay loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Afhayeenka ciidamada Soomaalida ee ku sugan Jubbooyinka Aadan Axmed Xirsi (Rufle) ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dadkan oo shacab ahaa kasoo ururiyeen dhul howd ah, ayna toogteen iyagoo aan la socodsiin, taasoo uu sheegay inay aad uga caroodeen, mar kalena aysan u dulqaadan doonin.
Dilka loo geystay dadkan shacabka ah, qaarka kalena lagu dhaawacay ayaa waxaa aad uga carooday dadka ku nool Jubbooyinka, iyadoo lagu tilmaamay xasuuq ay ciidamada Kenya u geysanayana shacabka Soomaaliyeed.
Col. Oguna ayaa ugu dambeyn sheegay in sababta ay u joogaan Soomaaliya aysan ahayn inay shacabka dhibaateeyaan, balse ay tahay inay caawiyaan, isagoo sheegay in dowladdiisu ay raalligelin weyn ka bixisay dilkaas.
Dhanka kale, safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in dowladda Kenya ay weydiisteen inay mag-dhow ka bixiyaan shacabka la gumaaday, isagoo xusay inuu xukuumadda Kenya ka sugayo jawaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kenya oo sheegay inay hubka ka dhigtay Askari Ciidankeeda ka tirsanaa oo si bareer ah u toogtay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed
More News
- Madaxweynaha Kenya oo Hay'adaha Gargaarka ugu baaqay inay Gudaha Soomaaliya ku caawiyaan dadka dhibaateysan
- Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo
- Nin lagu eedeeyey inuu Al-shabaab ka tirsanaa oo Muddo ku xirnaa Jeelka Berbera oo maxkamadda Somaliland ay go'aan ka gaartay
- Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo billaabay inay la Wareegaan Amniga Baladweyne
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo furay shir lagu Qiimanayo maamul Dedejinta Dowladaha Hoose ee Somaliland
- Madaxii Wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Siyaasad ahaan iyo Maamul ahaa ay ka baxeen Xarakada Al-shabaab
- Ciidamada AMISOM oo ka qayb-galay iska-horimaad dhexmaray ciidamada Dowladda Somalia oo ka dhacay duleedka Muqdisho
- Safiirka Denmark ee Soomaaliya oo Booqasho ku tagay Magaalada Garoowe iyo arday deeqo waxbarasho loogu diray Itoobiya