Col. Cismaan Dubad oo ah taliyaha horkacaya ciidamada dowladda Jabuuti ee ka tirsan howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay maamulka gobollka gacan siin lahaayeen sugida nabad-galyada, waxaana uu sheegay in si tirtiib-tartiib ah ula wareegi doonaan dhamaan saldhigyada ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda Itoobiya.
"Amniga waxaan iska kaashan doonaa ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ee hadda ku sugan magaalada Baladweyne, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay nagala shaqeeyaan nabad-galyada," ayuu yiri Col. Dubad.
Saraakiisha Midowgga Africa ayaa horay u sheegay in dhamaan qeybaha dalka ay hadda ka joogaan ciidamada Itoobiya lagu wareejin doono ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, iyadoo qorshuhu yahay in ciidamada dowladda Itoobiya howlgalkooda ku sii balaariyaan qeybaha dalka ee wali ku sii harsan gacanta Xarrakada Al-shabaab.
Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyay imaashaha ciidamada Jabuuti ee dhawaan gaaray magaalada Baladweyne, waxaana marka aad la sheekeysato dadka intooda badan kuu sheegayaan in ugu yaraan ciidamadani yihiin kuwo ay isku fahmi karaan dhinaca luuqada, madaama ay ku hadllayaan afka Soomaaliga.
Dhawaan ayeey aheyd markii ay magaalada Baladweyne gaareen cutubyo ka mid ah ciidamada dalka Jabuuti ee ka mid ah howlgalka AMISOM kuwaasoo ku qalabeysan sanaad militari oo ay ka mid ahaayeen gadiidka dagaallka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya