Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa nin hore loogu xukumay inuu kooxaha Al-shabaab ka tirsan oo qaraabadiisu racfaanka qaadatay ku xukuntay 14 bilood oo xadhig ah, kaas oo ka bilaabmaysa maalintii la xidhay.
Haseyeeshee, ninkan lagu eedeeyey inuu Al-shabaab ka tirsan oo sanad iyo dheeraad xidhnaa ayaa dib u helay xoriyadiisii ka dib, markii wakhtiga gaaban ee lagu xumay ay noqotay mid ka yar mudadii uu xabsiga ku jiray sidaasna uu jeelkii kaga soo baxay.
Wiilkan dacwadiisa go’aanka laga gaadhay oo la yidhaa Ibraahim Maxamed Jeelle, oo ciidamada booliska Gobolka Saaxil sanadkii hore u qabteen tuhuno la xidhiidha inuu ka mid yahay kooxda Al-shabaab, isla-markaana ay sheegeen inuu tababaro ku soo qaatay Koonfurta Soomaaliya, ayaa muddo sanad iyo dheeraad ah dacwadiisu dhex wareegaysay maxkamadaha gobolka Saaxil, waxaana hore xukun saddex sanno ah ugu riday maxkamada gobolkaasi, balse waxa ku qanci waayey xukunkaasi ehelkiisa oo rafcaan ka qaatay, sidaas awgeed ayey maxkamada sare dib u gashay dacwadan, taas oo keentay in ay go’aan ka gaadho.
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo soo saaray go’aankan ayaa maxkamada kaga dhawaaqay in Ibraahim Maxamed Jeelle lagu xukumay 14 bilood oo ka bilaabmaysa wakhtigii la xidhay, taasi oo noqotay intii ay dacwadiisu socotay wakhti ka yar.
“Maxkamadu waxay ku xukuntay racfaanle Ibraahim Maxamed Jeelle Ina Nuuriya Maxamed hal sanno iyo laba bilood oo xadhig ah, oo ka soo bilaabmaysa maalintii xoriyadiisa laga qaaday”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil oo booqasho ku tagay gobolka Saaxil.
Xukunka ku dhacay ninkan lagu eedeeyey Al-shabaabta, ayaa xoriyadiisa dib u hellay, isla-markaana laga siidaayo jeelkii lagu hayey, maadaama oo wakhtiga lagu xukumay ay ka badan tahay mudadii la hayey.
Maxkamadda gobolka Saaxil ayaa wiilkan dhalinyarada ah hore ugu xukuntay saddex sanno oo xadhig ah, haseyeeshee markii maxkamadda sare baadhay kiiskiisa waxay ku xukuntay 14 billood oo xadhig, kadibna markii intii uu xidhnaa loo eegay ayey maxkamadda sare dib ugu soo celisay xoriyadiisii.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Nin lagu eedeeyey inuu Al-shabaab ka tirsanaa oo Muddo ku xirnaa Jeelka Berbera oo maxkamadda Somaliland ay go'aan ka gaartay
More News
- Madaxweynaha Kenya oo Hay'adaha Gargaarka ugu baaqay inay Gudaha Soomaaliya ku caawiyaan dadka dhibaateysan
- Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo
- Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo billaabay inay la Wareegaan Amniga Baladweyne
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo furay shir lagu Qiimanayo maamul Dedejinta Dowladaha Hoose ee Somaliland
- Madaxii Wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Siyaasad ahaan iyo Maamul ahaa ay ka baxeen Xarakada Al-shabaab
- Kenya oo sheegay inay hubka ka dhigtay Askari Ciidankeeda ka tirsanaa oo si bareer ah u toogtay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed
- Ciidamada AMISOM oo ka qayb-galay iska-horimaad dhexmaray ciidamada Dowladda Somalia oo ka dhacay duleedka Muqdisho
- Safiirka Denmark ee Soomaaliya oo Booqasho ku tagay Magaalada Garoowe iyo arday deeqo waxbarasho loogu diray Itoobiya