4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 25, 2012
Madaxii Wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Siyaasad ahaan iyo Maamul ahaa ay ka baxeen Xarakada Al-shabaab
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxii wafaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa sheegay inay ka baxeen Xarakada Al-shabaab oo ay ku biireen sannadkii 2010, isagoo sheegay inay soo saareen lix qodob oo ay ku caddeynayaan go'aannadooda.

Afhayeenkan oo wareysi siiyay BBC-da isagoo aan sheegin halka uu ku sugan yahay iyo magacyada ma'suuliyiinta heshiiskan gaaray ayaa wuxuu xusay inay kulammo u soo socday muddo dheer kaddib go'aankan gaareen.

"Go'aankan aan gaarnay waxaan kala tashanay waxgaradka Soomaaliyeed, kaddib markii aan aragnay in xalaadda dalka ay meel xun marayso, sidoo kalena ay arkeen inay jiraan in diinta Islaamka laga leexday," ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin.

Xisbul Islaam ayaa qodobbadii ay bayaankooda ku sheegeen waxa aka mid ahaa:
  1. Waxaan Xakarada Al-shabaab kala laabanay isku-biiriddii iclaamiga ku ekeyd oo lagu doonayay in wax lagu xalliyo, balse ay wax ku xallismi waayeen.
  2. Waxaan caddeynaynaa inaan kuma manhaj, siyaasad iyo maamul ahayn Xarakada Al-shabaab.
  3. Xisbigu wuxuu qaatay barnaamij siyaasadeed oo uu kula xaajoojinayo cid kasta oo ka shaqeynaysa ama wadda danta iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.
  4. Xisbigu wuxuu baadigoob dheer u geli doonaan in lasoo celiyo midnimada ummadda Soomaaliyeed
  5. Xisbiugu wuxuu aamisan yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka
  6. Ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan waxaan u argnaa inay yihiin kuwo si sharci-darro ah ku jooga.
Afhayeenka ayaa sheegay in sababaha ku kallifay inay go'aankaan qaataan ay ka mid yihiin, kaddib markii ay u muuqdeen in diinta Islaamka laga leexday iyo in xaalka dalka uu sii murgayo.

Mas'uulkan oo la weydiiyay inay dhici karto inay dagaal kala kulmaan Al-shabaa ayaa sheegay in xilligan aysan Al-shabaab u muuqan kuwo weerar kusoo qaadi kara, isagoo ka cudur-daartay inuu sheego magacyada mas'uuliyiinta go'aankan la qaba sababo jira awgood.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin go'aanka uu ku dhawaaqay mas'uulkan Xisbul Islaam ka tirsan, kaasoo uu ku sheegay inay ka go'een Al-shabaab, ayna ka go'an tahay inay maamulkooda dib u soo ceshadaan.

Mar uu ka hadlayay in wadahadalo ay la furayaan dowladda Soomaaliya iyo in kale ayuu sheegay inay eegayaan habka ay wax ku wadaan, haddii ay u arkaan inay yiiin kuwo danta Soomaalida ka shaqeynaya ay la hadlayaan, isagoo aan ka hadlin go'aankooda haddii ay u arkaan inaysan ka shaqeynayn danta Soomaaliya.

Hoggaamiyihii Xisbul Islaam, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo haatan ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaan isaguna ka hadlin go'aankan, inkastoo dhowr jeer oo hore uu ugu baaqay Al-shabaab inay joojiyaan dilalka ay u geysanayaan dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya