Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalka dabaal-deg loo sameynayo sannad-guurgadii 50-aad ee kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska oo ku beeggan todobaadka dambe.
Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda 14 dal oo ka qaybgalaya dabbaal-deeggaas, sida Talaadadii toddobaadkan ka sheegay magaalada Kampala wasiirka isgaarsiinta dalka Uganda,Karooro Okurut.
Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah howgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ciidamadoodu ay ilaalo u yihiin madaxda Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweynaha.
Sidoo kale, dabaal-degga ayaa waxaa ka qaybgalaya saraakiil ka socda Qaramada Midoobay, Bankiga adduunka, Midowga Yurub, Bankiga horumarinta Afrika iyo xubno ka socda ururro horumarineed oo caalamka ka jira.
Inkastoo aysan jirin wax war ah oo weli kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa haddana haddii uu madaxweynuhu ka qaybgalo xuskaas waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu safar dibadda ah u baxo tan iyo markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya 10-kii bishii lasoo dhaafay ee September.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowr jeer ka qayb-galay dabaal-degyo loo sameynayo maalmaha xorriyadda dalalka, Uganda, Burundi, Ruwanda iyo dalal kale oo Afrikaan ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Somalia oo ka qayb-galaya xuska sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay Xorriyadda dalka Uganda
More News
- Ururka Raaskambooni oo sheegay in Maamul u sameynta Kismaayo aysan ahayn mid laga sugayo Dowladda Soomaaliya
- Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo si guud uga hadlay Amniga Muqdisho, Qabsashada Kismaayo iyo Fatahaadii Baladweyne
- Laanta Dambi-baarista Booliiska Somalia oo soo bandhigtay dhowr qof oo la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho
- Guddi wasiirro ah oo loo saaray Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay Fatahaadii Webiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne
- Howlgallo dad badan lagu qab-qabtay oo maalintii labaad laga sameeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Mareykanka oo soo dhaweeyay qabsahada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Magaalada Kismaayo
- Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo sheegay inay la dagaalami doonaan Ciidamada la wareegay Magaalada Kismaayo