Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay qabashada magaalada dekedda leh ee Kismaayo, halkaasoo ay toddobaadkan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM oo iskaashanaya.
Afhayeenaadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Victoria Nuland ayaa sheegtay Arbacadii shalay in qabashada Kismaayo ay qayb ka tahay dadaalka lagu doonayo in Soomaaliya looga nadiifiyo Al-shabaab oo xiriirka la leh Al-Qaacida.
"Ka bixitaanka Al-shabaab ee Kismaayo waxay caddeynaysaa inay korortay awoodda ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku doonayaan inay ku baabi'iyaan kuna dhabar-jaraan falalka argagaxisada," ayay Nuland tiri.
Sidoo kale, afhayeenaddu waxay hadalkeead raacisay in qabsashada Kismaayo ay caddeyn u tahay inay burburtay awooddi Al-shabaab, ayna Soomaaliya cagata saartay jidka dib u dhiska, kaddib labaatan sano oo colaado ay ka taagnaayeen.
Mareykanka wuxuu ugu baaqay dhammaan ciidamada ku sugan Kismaayo iyo hareeraheeda inay xushmeeyaan shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciyada gargaarka bani'aadamnimo.
"Waxaan ku baaqaynaa in la dhowro xuquuqda shacabka ku nool Kismaayo, sidoo kalena la ilaaliyo xuquuqda dadka ku tiirsan shaqooyinka ay ka qabtaan dekedda," ayay Nuland hadalkeeda kusoo gabgabeysay.
Magaalada Kismaayo oo ay Sabtidii lasoo dhaafay isaga baxeen xoogaggi Al-shabaab ee gacanta ku hayay muddo shan sano ah ayaa waxaa laba casho ka hor gudaha u galay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo muddo sannad ah qorsheynayay inay gudaha u galaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Mareykanka oo soo dhaweeyay qabsahada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Magaalada Kismaayo
More News
- Madaxweynaha Somalia oo ka qayb-galaya xuska sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay Xorriyadda dalka Uganda
- Ururka Raaskambooni oo sheegay in Maamul u sameynta Kismaayo aysan ahayn mid laga sugayo Dowladda Soomaaliya
- Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo si guud uga hadlay Amniga Muqdisho, Qabsashada Kismaayo iyo Fatahaadii Baladweyne
- Laanta Dambi-baarista Booliiska Somalia oo soo bandhigtay dhowr qof oo la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho
- Guddi wasiirro ah oo loo saaray Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay Fatahaadii Webiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne
- Howlgallo dad badan lagu qab-qabtay oo maalintii labaad laga sameeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo sheegay inay la dagaalami doonaan Ciidamada la wareegay Magaalada Kismaayo