"Ujeeddada ay ciidamada Kenya u soo galeen Kismaayo waa inay hoos-geeyaan Gaarisa iyo Mandheera; khayraadka ku jirana ay iyagu gurtaan, innaguna taas ma aqbali doonno, waxaan qaadaynaa weerarro aan kaga saaranayno dhammaan goobihii ay qabsadeen," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere wuxuu hadalkiisa ku daray: "Ciidamada Kenya waxay doonayaan in Kismaayo ay hoosgeeyaan Gaarisa iyo Mandheera taasina ma ahan mid soconaysa, shacabka waxaan ka codsanaynaa inay dagaallada ka qaybgalaan."
Afhayeenku wuxuu sheegay in haddii shacabka Soomaaliyeed ay maanta jihaadka ka qaybgeli waayaan lala wareegi doono dhulkooda, iyadoo looga talin doono meel aan Soomaaliya ahayn.
Dhanka kale, Sheekh Cali Dheere wuxuu shacabka ku nool Jubbooyinka ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen deegaannadooda, si kheyraadkooda aan loo guran.
Xoogagii Al-shabaab ayaa Kismaayo isaga baxday toddobaadkan billowgiisii, kaddib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ay culeys kasoo saareen magaalada dhinacyo badan, taasoo keentay in ciidamadu ay maalin ka hor gudaha u galaan magaaladaas oo 500-km koonfur kaga beegan Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya