Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo howlgallo guriguri ah, iyadoona howlgalladaasi lagu soo qabqabtay tobaneeyo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Ciidamadan ayaa ilaa shalay waxay baaritanno xooggan ka wadaan xaafadaha kala duwan ee magaalada waxaana ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan dowladda in howlgalladii ilaa shalay ay ku soo qabqabteen dad gaaraya ilaa 90 qof oo isugu jira rag iyo dumar.
Goobjooge lagu magacaabo C/kaafi Max’uud ayaa HOL u sheegay in saaka aroortii ay ku waabariisteen ciidamo fara badan oo baaritanno ka wada xaafadaha kala duwan ee magaalada, wuxuuna xusay in howlgalladooda ay ku qabqabteen dad badan.
Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa sheegay in howlgalladan ka soconayo magaalada Kismaayo ay yihiin kuwo ay ku doonayaan in ay ku sugaan ammaanka magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale; waxaa dib usoo noqday dhaqdhaqaaqii bulshada ee magaalada Kismaayo, iyadoona ay si caadi ah u shaqeynayaan adeegyadii bulshada, sida waxbarashada, ganacsiga iyo weliba isusocodkii gaadiidka ee gobollada Jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Howlgallo dad badan lagu qab-qabtay oo maalintii labaad laga sameeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Madaxweynaha Somalia oo ka qayb-galaya xuska sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay Xorriyadda dalka Uganda
- Ururka Raaskambooni oo sheegay in Maamul u sameynta Kismaayo aysan ahayn mid laga sugayo Dowladda Soomaaliya
- Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo si guud uga hadlay Amniga Muqdisho, Qabsashada Kismaayo iyo Fatahaadii Baladweyne
- Laanta Dambi-baarista Booliiska Somalia oo soo bandhigtay dhowr qof oo la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho
- Guddi wasiirro ah oo loo saaray Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay Fatahaadii Webiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne
- Mareykanka oo soo dhaweeyay qabsahada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Magaalada Kismaayo
- Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo sheegay inay la dagaalami doonaan Ciidamada la wareegay Magaalada Kismaayo