3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2012
Laanta Dambi-baarista Booliiska Somalia oo soo bandhigtay dhowr qof oo la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Laanta dambi-baarista booliiska Soomaaliya ee loo yaqaan CID-da ayaa soo bandhigtay maanta 15-qof oo ay sheegtay inay dilal qorsheysan ka fuliyeen Muqdisho, kuwaasoo ay xustay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Taliyaha laanta dambi-baarista booliiska, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa u sheegay wariyeyaasha in raggan lagu soo qabqabtay howlgallo maalmihii lasoo dhaafay laga sameyanyay Muqdisho laguna sameeyay baaritaanno lagu caddeeyay inay dambiyada loo haysto geysteen.

"Raggan waxay ka tirsanaayeen Al-shabaab, waxayna Muqdisho ka geysteen dilal qorsheysan, dambiyadana waa ku caddaadeen, maxkamad ayaana u gudbinaynaa," ayuu yiri Jen. Bariise oo intaas ku daray in howgallada ay soconayaan inta raggan oo kale laga nadiifinayo magaalada.

Jen. Bariise oo sidoo kale afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in raggan lasoo qabqabtay xaafado ka tirsan degmooyinka Muqdisho oo ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen, wuxuuna u digay xubnaha Al-shabaab ee weli ku sugan Muqdisho.

Hadalka afhayeenka booliiska ahna taliyaha laanta dambi-baarista booliiska ayaa wuxuu hadalkiisu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay Muqdisho ka socdeen baaritaanno ay sameynayeen ciidamada nabadsugidda iyo kuwa booliiska, kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad fara badan.

Bishii hore waxaa Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen dad badan 50-qof oo ay ku jireen shan wariye oo ka howlgalayay warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaana weerarradaas lagu beegay xilli doorasho madaxnimo oo ka dhacday Muqdisho looga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/4/2012 9:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalka dabaal-deg loo sameynayo sannad-guurgadii 50-aad ee kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska oo ku beeggan todobaadka dambe.

10/4/2012 9:24 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Ururka Raaskambooni oo ka mid ah xoogaggii gacanta ku siiyay ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya qabsashadii magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Jubbada hoose ayaa sheegay in maamul u sameynta magaalada Kismaayo aysan ahayn mid laga sugayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

10/4/2012 8:25 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay la wareegiddii degmada Kismaayo, ammaanka magaalada Muqdisho iyo fatahaadihii uu webiga shabeelle ee magaalada Baladweyne.

10/4/2012 7:49 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Guddi wasiirro ah oo soo qiimaya khasaarihii ka dhashay fatahaaddii webiga Shabeelle uu ku sameeyay degmada Baladweyne ayaa maanta la magacaabay, waxaana guddigaas oo wasiirro ah madax u ah Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

10/4/2012 7:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo howlgallo guriguri ah, iyadoona howlgalladaasi lagu soo qabqabtay tobaneeyo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

10/4/2012 3:31 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay qabashada magaalada dekedda leh ee Kismaayo, halkaasoo ay toddobaadkan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM oo iskaashanaya.

10/4/2012 3:30 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakda Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Al-shabaab ayaa ku hanjabay in ciidamada Kenya iyo kuwa la socda aysan ku nasan doonin magaalada Kismaayo ayna la dagaalami doonaan.