4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Horyaalkii 13-aad ee Kubadda Gacanta oo ka furmay Muqdishu

Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Horyaalkii 13-aad Kubadda Gacanta ayaa ka furmay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho. Iyadoo ay kasoo qeyb-galeen furitaanka tartarkan mas`uuliyiin ka socotay wasaaradda Isboortiga, maamulka gobolka Banaadir, GOS iyo madaxda xiriirrada kala duwan.
 
Guddoomiyaha xiriirka kubadda gacanta, Maxamed  Xuurshe Xasan [Eenoow] ayaa ugu horreyn ka warbixiyay kooxaha ka qaybgalaya horyaalkan isagoo dhinaca kale u mahadceliyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo gacan ka gaysatay dayactirka garoonka lagu ciyaarayay.

“Waxaan rajeynaynaa in tartankan guul inoogu dhamaado, waxaa ka qeybgalaya 6 koox oo kala ah Heegan, Dekedda, Horseed, Nationlink, Dowladda Hoose iyo Fero, Waxaa lagu maamulaya xeerarka Caalamiga ee K/Gacanta, waa is-arag hore iyo mid danbe.  waan idin Mahadcelinayaa - dhamaan macalimiinta, Madaxda Kooxaha iyo Ciyaartoyda. Sidoo kale Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aad ayaan ugu Mahadcelinaynaa sida ay dib ugu soo celisay bilicdii garoonkan. Mar walba waxaa inaga go`an inaan kor u qaadno horumarinta ciyaaraha K/Gacanta.” Ayuu yiri Guddoomiye Eenoow.

Kusimaha Guddoomiyaha GOS Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman) iyo Agaasimaaha guud ee Wasaaradda Isboortiga  Aweys Sheekh Xadaad ayaa dhinacooda u mahadceliyay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Gacanta oo ay ku amaaneen dadaalka uu mar walba ka muujiyo  dardargelinta Tartamada iyo horumarinta Ciyaarta Kubadda Gacanta. Waxayna ciyaartoyda kula dardaarmeen inay soo bandhigaan ciyaar asluub iyo farsamo ku dheehan tahay.

Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha HEEGAN iyo D/HOOSE waxaana si xarago leh ay guusha ku raacday HEEGAN oo 27-17 ku quusiyay D/HOOSE.

Daawashada Horyaalka 13aad waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir , GOS, Madaxda Xiriirada iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska . waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Guddoomiyaha XSF  Maxamed Axmed Coloow (Xaaji Coloow), Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee W/Isboortiga Saacid Maxamed Xasan (Baariyoow), Agaasimaha Isboortiga  Gobolka Banaadir Aweys Sheekh  Maye {Walker} iyo Taliyaha Akadeemiyadda Jeneral Kaahiye ( Axmed Dhaga-Caleen).



Siciid Ibraahim Xuseen (BUUNA)
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya