4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Booliiska waddanka Kenya oo sheegay inay qabteen ruux ay uga shakiyeen inuu ka dambeeyay dilka Askar Kenya ah
Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay qabteen ruuxa ay uga shakisan yihiin inuu ka dambeeyay dilkii saddex askari oo Kenyan ah toddobaadkii hore loogu geystay degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari.

Madaxa waaxda baarista dambiyada ee (CID) Ngatia Iregi ayaa wariyeyaasha u sheegay in ruuxa ay qabteen ay shaki weyn ka qabaan, isagoo xusay inay wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan dambiga ay u qabteen.

Lama sheegin magaca qofka la qabtay, balse booliisku waxay sheegeen inay sidoo kale shaki ka qabaan in ruuxan uu xiriir dhow la leeyahay Al-shabaab, iyagoo xusay inay kasoo qabteen deegaan lagu magacaabo Hulugo oo ku dhow soohdinta labada dal u dhexeysa.

Askari ka badbaaday weerarka lagu dilay saddexda askari ee Kenyanka ah ayaa sheegay in ruuxa weerarka fuliyay uu ahaa Soomaali-Kenyan. Dilkan ayaa sababay rabshado dhibaatooyin kala duwan geystay oo ka dhacay magaalada Gaarisa.

Rabshadihii ka dhacay magaalada Gaarisa ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah, kuwo kalena oo fara badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, iyadoo sdioo kale uu ku gubtay suuqii weynaa ee degmada Gaarisa.

Xildhibaan Faarax Macallin oo laga soo doorto deegaanka Lagdheera iyo xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto deegaanka Dhuujis ee degmada Gaarisa ayaa waxay labadaba ku eedeeyeen milateriga Kenya inay adeegsadeen awood dheeraad ah oo ay ku dhibaateeyeen shacabka Gaarisa ku nool.

Madaxweynaha Kenya iyo Ra'iisul wasaarihiisa ayaa labaduna waxay amar ku bixiyeen in baaritaan lagu sameeyo rabshadhihii ka dhacay Gaarisa, iyagoo sidoo kale sheegay in magdhow la siin doono ganacsatadii ay alaabadu uga gubatay magaalada Gaarisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya