Jimco, May 25, 2012 (HOL) - Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Afgooye oo ay hareereeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya markii ay halkaas ka baxeen Alshabaab shalay ayaa sheegaya in haatan ay magaalada gudaha u galeen ciidamada is kaashanaya.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Lt-Col Paddy Ankunda oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay in magaaladu gacantooda gashay.
Waxaana uu sheegay in xarakada Alshabaab uu jab wayni gaaray.
"Kaama soo waaqsan doonaan jabka gaaray" ayuu yiri Ankunda.
Alshabaab ayaa isaga baxay magaaladaasi, kadib markii weerar culus ay ku soo qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Soomaaliya oo sheegay inay dileen qaar kamid saraakiisha sare ee Alshabaab, sida lagu soo bandhigay sawirro ay warbaahintu heshay.
Magaalada Afgooye oo 30km uu jirta Muqdisho ayaa ah mid kamid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee xarakada Alshabab ay gacanta ku haysay, taasoo isku xirta Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, una fududayn jirtay Alshabaab inay si sahlan weeraro uga gaystaan Muqdisho, xataa markii ay isaga baxeen caasimada.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Afgooye
More News
- Mahiga oo sheegay in shirkii Addis ababa lagu qabtay uu guul ku soo dhammaaday
- Qaraxyo khasaare Nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Xeyaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya
- Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xabsi iyo Ganaax Isugu dartay Ruux loo hayay dilka Shaqaale ka tirsanaa Hay'adda MSF
- Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Koonfur Afirka u tagay ka qaygalka shir looga hadlayo Midnimada Qaaradda Afrika
- Barakacayaal ku dhintay Madaafiic ku dhacay deegaannada u dhexeeya Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye
- Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo ku sugan duleedka Afgooye xilli ay Al-shabaab faarujisay Degmadaas