9/23/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2012
Qaraxyo khasaare Nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Xeyaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya


Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay sideed qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo xalay iyo saakay ka kala dhacay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee Soomaaliya iyo xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Saddexda qof ayaa waxay ku dhinteen laba qarax oo ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga degmada Gaalkacyo, kaddib markii bambooyin lagu tuuray goob lagu fiidsado oo ay dad shacab ah ku sugnaayeen, waxaana weerarkaas ay dhaawacyo kasoo gaareen shan qof oo kale.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa baaritaanno ay sameeyeen u qabty weerarka saddex dhalinyaro ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka ahaayeen bambooyinka khasaaraha geystay.

Dhanka kale. saddex qof oo ka mid ah qoxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ku dhaawacmay bambo lagu tuuray maqaayad ku taalla xeryahaas.

"Bam ayaa lagu tuuray maqaayad ay dad badan ku jiraan, waxaa dhaawacmayo halis ay soo gaareen saddex qof oo Soomaali ah, kuwaasoo loo qaaday isbitaalka," ayaa laga soo xigtay booliiska iyo hay'adda bisha cas ee dalka Kenya.

Askarta booliiska Kenya ayaa waxay markiiba sameeyeen howgallo ay dad badan ku qabqabteen kuwaasoo qaarkood jirdil loo geystay, waxaana weerarkan uu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore ay dhowr qarax oo dhimasho geytay ka dhaceen xeryaha Dhadhaab.

Xeryahan ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan 460,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo ka cararay dagaallada iyo abaaraha ka jira Soomaaliya, waxaase tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya ka dhacayay xeryahaas iyo guud ahaan gobolka waqooyi-bari ee Kenya qaraxyo khasaare nafeed geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya







Click here
5/25/2012 9:54 AM EST
Jimco, May 25, 2012 (HOL) - Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Afgooye oo ay hareereeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya markii ay halkaas ka baxeen Alshabaab shalay ayaa sheegaya in haatan ay magaalada gudaha u galeen ciidamada is kaashanaya.

5/25/2012 9:31 AM EST
Ergayga gaarka ah ee xogyaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agustin Mahiga ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Addis ababa uu ahaa mid guul ku dhammaaday heshiisna laga gaaray, waxyaabihii muranka dhaliyay ee ay isku fahmi waayeen hogaamiyayaasha Soomaalida.

5/25/2012 4:16 AM EST
Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay 30-sano oo xabsi ah, Axmed Salaad Xuseen horraantii sannadkan toogasho ku dilay laba shaqaaale ah oo ka tisranaa hay'adda MSF, kuwaasoo u kala dhasay dalalka Belgium iyo Indooniiisiya.

5/25/2012 3:52 AM EST
Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay kaga qaybgalyaan shir looga hadlayo minimada Qaaradda Afrika.

5/25/2012 3:43 AM EST
Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo barakacayaal ah ayaa lagu dilay madaafiic lagu garaaceen deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo oo shalay oo dhan ay dadku ka barakacayeen.

5/25/2012 3:11 AM EST
Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Wararka aan saakay oo Jimco ah ka helayno degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka degmadaas, xillli ay xoogaggii Al-shabaab faarujiyeen.