4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2012
Dajiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka hadlay dagaal Toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Hargeysa

Axad, May 20, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qabailsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay inuu aad uga walaacay dagaalkii Hargeysa ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dadka shacabka ah, kaasoo dhaliyay khasaaraha nafeed.

Danjira Mahiga, wuxuu sheegay inuu aad uga argagaxay dadkii ku dhintay dagaalka, sidoo kalena uu ka walaacsan yahay dadkii ay maxkamadda milateriga ee Somaliland xukuntay.

"Waxaan ku talinayaa in kiiskaas loo wareejiyo maxkamad madani ah, waxaana ku dhiirri-gelinayaa maamulka inay maxkamadu u dhacdo si cadaalad ah," ayuu ku yiri danjire Mahiga warsaxaafadeed uu soo saaray.

Ugu dambeyn, ergayga xorhayaha guud Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaailya ayaa qoraalka uu soo saaray ku codsaday in dhacada lagu sameeyo baaritaan dhameystiran, daacad ah haddana madax-bannaan.

Dagaalkii toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sababay dhimashada toddoba qof oo isugu jiray dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Maxkamada Milateriga Somaliland ayaa maalintii xigtay ku xukuntay 17-qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii weeraray saldhig ciidamada Somaliland ay ku lahaayeen bariga Hargeysa dil, halka shan qof oo kale lagu xukumay xabsi daa'in.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya