Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Warar naga soo gaaray deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni ay dib ula wareegeen deegaanka Diif, oo ay saaka si nabadgelyo ah ku qabsadeen xoogagga Al-shabaab.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Diif ayaa la sheegay in dib isu soo abaabuleen islamarkaasina ay magaalada kusoo qaadeen weerar, waxaana ay taasi keentay in ay magaalada baneeyaan xoogagga Al-shabaab iyadoo uusan wax dagaal ah dhicin.
"Ciidamada Al-shabaab markii ay magaalada soo galeen wax yar ayay joogeen, kadibna dib ayay uga laabtaan, waxaana magaalada soo galay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni," ayuu yiri goobjooge ku sugan Diif oo ka gaabsaday magaciisa.
Xaaladda deegaanka diif ayaa haatan ah mid yara xasiloon, iyadoona xoogagga Al-shabaab ee ka baxay magaalada la sheegay in ay ku suganyihiin meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Diif.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya