Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa mar kale xalay ku weeraray madaafiic xarunta madaxatooyada Soomaaliya, sidoo kale xoogag Al-shabaab ay xalay weerarro ku qaaday degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkeynley.
Madaafiicda lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay qaarkood ku dhaceen gudaha xarunta lamana oga khasaaraha ay geysteen, iyadoo ay noqonayso habeenkii labaad oo madaafiic lagu weeraro Villa Somalia.
Weerarkan madaafiicda ah ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab oo horay u shaacisay inay ka dagaalamayso gudaha Muqdisho. Iyadoo madaafiicda midkood la sheegay inuu ku dhacay xarun ay daggan yihiin ciidamada nabadsugidda oo ku dhow madaxtooyada.
Sidoo kale, saddex qof oo dhinacyadii hardamay ka mid ah ayaa ku dhintay weerar ay xalay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga iyo kuga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay inay ku dileen laba ka mid ah dagaalyahannadii Al-shabaab, dhankoodana uu soo gaaray dhaawaca hal askari oo kaliya.
Dhanka kale, lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu xalay ahaa mid aad u culus, rasaas badanna ay ku soo daadatay xaafadahooda.
Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay in weeraradaas ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana weerarradan ay imaanayaan iyadoo dowladda KMG ah ay shaacisay inay gacanta ku hayso Muqdisho oo dhan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya