Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) oo cod uu soo duubay laga sii daayay Radio Andulus oo ku hadla afka Al-shabaab ayuuu ku sheegay in dowladda Turkiga ay hordhac u tahay shirqool ay dalalka reer galbeedku u maleegayaan Soomaaliya.
Abuu-Zubeyr, wuxuu sidoo kale kaga hadlay cajaladiisa maqalka ah, xoogagga ku sugan Puntland ee dhawaan ku biiray Al-shabaab iyo shirkii London lagu qabtay oo uu sheegay in lagu go'aamiyay in Soomaaliya lagu gumeysto.
"Waxaa xusid mudan marka laga hadlayo shirkii London - kaalinta foosha xun ee uu Turkigu ay ku leeyihiin shirqoolka loo maleegayo ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah, Tukiga wuxuu gabbaad u noqday duulaanka saliibiga ah ee lagu hayo ummaddeenna," ayuu yiri Sheekh Abuu-Zubeyr.
Hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu sheegay in dowladda Turkiga loo adeegsanayo sidii looga hortagi lahaa khilaafadii islaamiga oo dib u soo laabata, sidoo loogu adeegsaday burburinteeda. Isagoo tixo gabay ah kusoo bandhigay arrintan.
Xoogagga buuraleyda Galgala oo dhawaan ku biiray Al-shabaab ayuu ku boorriyay inay cagta mariyaan Puntland, wuxuuna ugu baaqay shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Bari inay garab-istaagaan Islaamka taariikhdii jihaadka ay ku laahaayeenna soo nooleeyaan.
"Waxaan leeyahay mujaahidiinta Golis - waa inaad ogaataan inaad ku aaddan tihiin aag muhim ah oo halbowle u ah jihaadka gayigan, waxaadna kulaalaysaa dhulkii daraawiishta xarunta u ahaa sida: Jiidali, Taleex iyo meelaha kale ee la midka ah," ayuu yiri hoggaamiyaha Al-shabaab.
Abuu-Zubeyr, wuxuu intaas ku daray in Alle mahaddii ay tahay in hal qarni kaddib jihaadkii daraawiishta in mar labaad gulufkii islaamka kusoo rogaal-celiyo dhulkaas. Isagoo ku boorriyay xoogagga ku sugan Golis in maanta laga sugayo inay dib u soo cusboobaysiiyaan dacwadda Towxiidka, jihaadka iyo ku-dhaqanka shareecada Islaamka.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay wajahayso dagaal jabhadeyn ah, isagoo sheegay in dagaalkaas uu yahay midka ugu khasaaraha yar ee lagu jabin karo, sidii loogu jabiyay Faransiiskii ku duulay Aljeeriya, Ruushkii ku duulay Jeejniya, Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku duulay Afgaanistaan kuna qasbay inay isaga baxaan Ciraaq toddoba sano kaddib.
Ugu dambeyn, Abuu-Zubeyr wuxuu ku sheegay cajalada maqalka ah oo soconaysay muddo 25-daqiiqadood ah in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ay ku fashilmeen duulaankii ay kusoo qaadeen Soomaaliya.
Balse ma soo hadal qaadin cajalad fiidiyoow ah oo uu dhawaan bar Internet soo dhigay Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ah dagaalyahannada ajnabiga ah ee la safan Al-shabaab oo sheegay inuu cabsi ka qabo in Al-shabaab ay ku disho shir-qool.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya