Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Diif ee dhaca galbeedka gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Diif kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Raaskaambooni ee hore ugu sugnaa.
Goobjoogayaal ku sugan Diif ayaa HOL u xaqiijiyay in saaka ay magaalada isaga baxeen dagaalyahannada ururka Raaskaambooni, iyadoona ay deegaanka si nabadgelyo ay ula wareegeen xoogagga Al-shabaab oo iyagu mudooyinkii ugu danbeeyay dhaqdhaqaaqyo ka waday duleedka deegaankaasi.
Xaaladda deegaanka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in gudaha deegaankaasi uu ka qarxo dagaal dhexmara labada dhinac.
Ciidamadii Diif hore u joogay ee Raaskaambooni iyo kuwa Dowladda KMG ayaa waxa ay haatan ku suganyihiin duleedka deegaanka Diif, halkaasoo ay isku abaabulayaan.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in markii ay soo galeen magaalada ay durbadiiba dhufeyso ka sameysteen daafaha magaalada, iyadoona xilli walba la filan karo in uu labada dhinac dhex maro dagaal.
Xoogagga Al-shabaab ayaa hada kahor sidan oo kale ula wareegeen deegaanka Diif, walow markii danbe ay dagaal uga saareen ciidamada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya