MADAXWEYNE SHARIIF: "DKMG waxay la dagaalamaysaa Maamul Xumada, dambiyada Abaabulan iyo Musuqmaasuqa"

Cabirka Farta

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay horyaallaan howlo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada abaabulan, maamul xumada, musuqmaasuqa iyo in la diyaariyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagsan.

Sheekh Shariif ayaa hadalkan ku sheegay khubad uu ka jeediyay tiyaatarka oo lagu qabtay shalay gallinkii dambe ruwaayaddii ugu horresay muddo 21-sano ka badan, taasoo ay soo aabubushay hay'adda cilmi-baarista iyo wadatashiga ee CRD.

"Howlaha dowladda horyaalla waxaa ka mid ah in la xoojiyo iskaashiga ummadda Soomaaliyeed iyo walaanimadeeda, in la xoojiyo hay'adaha dowladda, sida: amniga, maamulka, siyaasadda, garsoorka iyo in la diyaariyo adeeggii bulshada iyo habkii ay dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagasn oo karaamadooda iyo sharafkooda sare u qaaddaysa," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in waxyaabaha ay la dagaalamayaan ay ka mid yihiin musuqmaasuqa iyo sidii awoodda dowladda aan looga faa'iideysan lahayn.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in dowladda ay qorshaynayso in maamullada gobollada la dhiso, lana gaarsiiyo dadka ku nool gargaar bani'aadamnimo, sidoo kalena in la abuuro hab lagu xalinayo waxyaabihii yaryaraa ee ka dhexmaray dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in xukuumaddu ay diyaarinayso in ruwaayaddii lagu furay Tiyaatarka laga dhigo gobollada dalka ee ay dowladdu gacanta ku hayso sida Baladweyne iyo Baydhabo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya