4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
Kulan lagu Tageerayo Geeddi-Socodka Nabadda Soomaaliya iyo Waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Istanbul oo Minnesota lagu qabtay


Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Kulankan oo lagu taageerayey shirkii dhawaan lagu qabtay dalka Turkiga ee looga arinsanayey aayaha Soomaaliya, ayaa waxaa ka soo qeybgalay kala dad kala duwan oo isugu jira aqoon-yahano, siyaasin, cuqaal iyo waliba qeybaha ee bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Madasha kulankaan oo ay ka hadlaan dad kala duwan, ayaa waxaa ugu horeyn furitaankiisi ka hadlay Maxamed Cusmaan [Manjiino], oo isugu ka mid ahaa shaqsiyaadkii soo abaabulay, waxaana uu sheegay in ujeedada shirkaan ay tahay sidii jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ay u taageeri-lahaayeen, islamarkaasna ay u garab istaagi lahaayeen geedi-socodka nabadda dalka iyo waxyaabihii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu qabtay wadanka Turkiga ee looga arinsanayey muqtaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

"Ujeedad kulankaan waxaa ay tahay in aan taageerno shirkii Istanbul 2, shirkaasi waxaa ka horeyey shirar badan oo intooda badan lagu qabtay gudaha wadanka Soomaaliya, waxaana dhammaantood looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa xiliga kala guurka ah ee wadanku galayo, waxaana u arkaa in wax badan ay shirarkaasi ka qabsoomeen, waxaana haddii aan nahay reer Minnesota nala gudboonatay in aan taageerno Istanbuul labo," ayuu yiri Manjiino.

Iyadoo odayaal dhaqameed laga soo kala xulay guud ahaan beelaha Soomaalida ay haatan magaalada Muqdisho kaga arinsayaan sidii ay u soo xuli lahaayeen cidii hogaanka u qaban lahayd siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan xildhibaanadii badali lahaa barlamaanka dalka haatan ka jira iyo waliba golihii ansixin lahaa dastuurka cusub ee Soomaaliya loo sameynayo, ayaa Cabdullaahi Axmed Khayr, oo ka mid ahaa dadkii kulankaan ka soo qeybgalay islamarkaasna ku hadlayey magaca odayaasha waxaa uu sheegay in ay haatan Soomaalidu u jihaysatay jid u horseedi kara dhinaca nabada kadib markii odayaasha dhaqanka gacanta loo galiyey talada iyo maamulka guud ee dalka.


"Haddii aan nahay odayaasha waxaan inta badan ka shaqeynaa sidii Soomaaliya uga bixi lahayd dhibaatadii ay mudada ku jirtay, odayaashuna qeyb kama ahayn siyaasada iyo dadkii dhibaatada dalka ka gaystay. Hada waxaa moodaa in dhaqankii iyo jidkii aan lahaan jirnay dib loogu soo laabtay, waxaana hada ku soconaa jidkaasi oo ah in oday-dhaqameedyada talada iyo maamulka dalka loo dhiibay," ayuu yiri Cabdullaahi Axmed Khayr, isagoo intaasi raaciyey "Waxaan ka rajaynaa odayaasha dhaqanka ee talada loo dhiibay in ay wax wanaagsan noo qabtaan, dadka aad masiirka ummada iyo talada dalka u dhiibaysaana ha ahaadaan kuwa ka fikaraya dalka iyo dadka."

Sidoo kale dadkii kulankaan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdi-Xabiib, oo ka mid ah qurba-joogta Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota, waxaana uu sheegay in ay jiraan dad badan oo ka shaqeynaya sidii ay u carqaladayn lahaayeen nabad ka dhalata Soomaaliya, hase ahaatee qurbe joogta Soomaalida looga baahan yahay in ay taageeraan qorshaha geedi socodka nabadda ee looga gudbayo xiliga kala guurka ee soo socda.

"Qurbe Joogta Soomaalidu wax badan ayey horey u qabteen, dowlada iyo maamulada dalka xubno ayey ka yihiin, hadana waxaa nalooga baahan yahay in aan taageerno sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa dowlad feedaraali ah oo ka shaqeysa dib u dhiska iyo midnimada dalka," ayuu yiri Cabdi-Xabiib.


Gabagadii ayaa waxaa ay dadkii kulankaan ka soo qeybgalay baaqeen wadamada caalamka ee ku lug leh arrimaha Soomaaliya in ay xoojiyaan taageeradooda ummada Soomaaliyeed ku aadan in dalka laga hirgaliyo dowlad ka shaqeysa danaha ummada, islamarkaasna ka saarta wadanku marxalada uu marayo.







Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesota, Minneapolis