4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
Dagaalyahanno taabacsan Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegay inay ku dhow yihiin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose


Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Afhayeenka dagaalyahannada taageersan DKMG ah ee Raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay in xoogaggooda oo gacan ka helaya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya oo ka tirsan AMISOM ay ku dhow yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

C/naasir Seeraar wuxuu sheegay in Al-shabab ay dadka deegaanka hubeynayaan si ay u difaacaan magaalada haddii dagaalku gaaro, isagoo xusay in go'aankood uu yahay inay maalmaha soo socda degmadaas qabsadaan.

"Ciidamada isbahaysanaya waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Biibi oo 75-km u jirta Kismaayo, waxaana qorshaheennu inaan toddobaadyada soo socda gudaha u galno magaalada Kismaayo," ayuu yiri afhayeenka Raaskambooni oo VOA-da u warramayay.

Kumannaanka kun qof ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa aad uga walaacsan xaaladda dagaal ee ku wajahan Kismaayo, iyadoo dhawaan ay magaaladaas duqeyn u geysteen maraakiib dagaal oo ay Kenya leedaahy.

Afhayeenka Raaskabooni ayaa sheegay inay si aad ah ula socdaan xalaadda gudaha Kisamayo ka jirta, isagoo xusay in wararka ay helayaan ay sheegayaan in Al-shabaab ay cuqaasha ku dhiirrigelinayaan inay dagaalamaan.

"Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab waxay la kulmeen waxgaradka beelaha waxayna u sheegeen inay hubka qaataan ayna ka qaybqaataan dagaalka lagu difaacayo magaalada Kismaayo," ayuu Seeraar hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inay iyagu rumeysan yihiin inay ka baxayaan Kismaayo.

Dhanka kale, wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay saldhigyo difaacyo ah ka sameysteen deegaanka Birta-dheer oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, halkaasoo uu maro jidka isku xira magaalada Kismaayo iyo degmada Afmadow.

Birta Dheer ayaa ah goob muhiim u ah Al-shabaab, haddii laga qabsado aad ayay u adkaanaysaa inay difaacdaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose oo la sheegay inay ka helaan dhaqaale badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya