4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
Sheekh Fu'aad Maxamed Shan-gole oo ka mid ah Saraakiisha Al-shabaab ee lacagta la dul-dhigay oo arrintaas ka hadlay

Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf (Shan-gole) oo ka mid ahaa toddoba xubnood oo hoggaanka Al-shabaab ka tirsan ee Mareykanku uu sheegay inuu malaayiin dollar ku bixinayo xogtooda ayaa hadlalkaas ka jawaabay, isagoo sheegay in iyaguna ay xoolo nool ku bixniayaan xogta ku saabsan madaxda Mareykanka.

Mas'uulkan oo hadlay isagoo xilligaas ku sugnaa gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inuusan is-qarin doonin, ayna geel iyo digaag ku bixinayaan warbixinnada ku saabsan madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton.

"Shanta Milyan ee madaxayga la dul-dhigay ma sababi doonto inaan is-qariyo, waayo waxaan aaminsanahay in nafteydu ay waqti leedahay, haddii aan dhuunto xitaa way go'aysaa," ayuu yiri Sheekh Fu'aad Shan-gole.

Wuxuu intaas ku daray inay ka go'an tahay inay Mareykanka guryahooda ugu tagaan ayna gabdhahooda soo qafaashaan, wuxuuna xusay in dagaalka ay kula jiraan Mareykanka uu soo billowday xilligii Bush uu talinayay, ayna waqtigaas dhuuman lahaayeen haddii ay baqayaan.

"Mareykanka haddii uu igu xiray shan milyan oo doollar si xogtayda loo helo, aniguna waxaan leeyahay ciddii mujaahidiinta u soo sheegta halka uu Obama ku sugan yahay waxaan siinaynaa 10-neef oo geel ah, ciddii soo sheegta halka ay ku sugan tahay, Hillary Clinton iyana waxaan siin doonnaa 20-digaag ah oo lab iyo dheddig isugu jira, ayuu yiri Sheekh Shan-gole.

Sarkaalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo jawaab ka bixiya malaayiinta dollar ee Mareykanku uu dul-dhigay hoggaamiyeyaasha Al-shabaab, iyadoo lacagta ugu badan la dul-dhigay amiirka guud ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Aw-Maxamuud oo loo yaqaan, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr).

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya