3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Murashaxiinta sii badanaya ee ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay murashaxiinta fara badan ee isku soo taagaya ka qaybgalka doorashooyinka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inay farxad u tahay in Muqdisho la isugu yimaado si loogu tartamayo xilka madaxnimo ee dalka, wuxuuna sheegay inay isaga farxad u tahay in lagula tartamo xilka uu hadda hayo.

"Waa mid lagu farxo in Muqdisho la isugu yimaado oo loogu tartamo siyaasad lagana leexdo wax duminta iyo dhibaateynta," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay inuu jeclaan lahaa in tartanka uu noqdo mid nadiif ah oo muujinaya barnaamij siyaasadeed iyo waxqabad aan cidna dhibaateynayn.

Masdaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in markii uu Jabuuti joogay fikirkii uu ka haystay madaxnimada Soomaaliya iyo hadda ay aad u kala fog yihiin, isagoo xusay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad caadi ah, balse lala tacaamulayo dal burbursan, dhaqaale la'aan, hay'ado badan oo aan awood u lahayn in wixii laga doonayay ay qabtaan iyo dad Soomaaliyeed oo dhibaato kala gaartay.

"Soomaalida waxaad mooddaa inay u qaateen in siyaasaddu ay ka billlaabanayso madaxweyne oo qofkii aan madaxweyne noqon uusan waxba qaban, haddana waa wanaagsan tahay in la tartamo," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dalkan uu u baahan yahay in wax badan laga qabto, isagoo sheegay in dastuurka la meel-mariyo uu u baahan doono wax ka bedel inta laga gaarayo in afti qaran loo qaado.

Murashaxiinta isku soo sharraxay ka qaybgalka doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa sare u sii kordhay iyadoo hadda ay tiradooda ku dhow-dahay 10-ruux, ayna jiraan kuwo kale oo doonaya inay murashaxnimadooda ku dhawaaqaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
6/24/2012 5:13 PM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) - Malaayin masaari ah ayaa isugu soo baxay guud ahaanba magaalooyinka kala duwan ee waddanka Masar iyagoo u dabaal dagaya guusha u soo hooyatay Maxamed Mursi oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto.

6/24/2012 3:47 PM EST
Axad, June 24, 2012(HOL): Kooxda Jaaliyadda Isboortiga Soomaalida Vienna ee waddanka Austria waxa ay ka qeyb gashay tartan Isboorti oo sanadla ah oo loo qabto Jaaliyadaha Adduunka ee ku nool wadanka Austria gaar ahaan caasimada Vienna.

6/24/2012 8:29 AM EST
Axad, Juun,24, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, ayaa baaq gurmad ah ujeediyey hay’adaha caalamiga, kuwa Qaramadda midoobay iyo kuwa Wadaniga ah inay si degdeg ah ugu gurmadaan abaar adag oo ka jirta qaar ka mid ah goboladda Somaliland ah, kuwaas oo uu sheegay inay labaatan kun oo qof saamayn ku yeelatay.

6/24/2012 8:28 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL)- Dahabshiil Group, ayaa Mashaariic Khayriya Oo Iskugu Jira Deeqo Lacaga Iyo Dhisida Dhismayaal Ka Hirgaliyay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

6/24/2012 8:22 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa ugu baaqday dunida inay kordhiyaan gargaarka ay siiyaan carruurta Soomaaliyeed ee ka cararaya abaaraha iyo colaadaha ka jira Soomaaliya.

6/24/2012 8:05 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Hay'adda midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta siminaar looga hadlayay sida qoysaska loogu saleyn dhaqanka suuban iyo caqiidada ugu qabatay Muqdisho odayaasha dhaqanka.

6/24/2012 4:16 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Iyadoo mar kale deegaanno ka tirsan gobollada Galguduud iyo Mudug ay ka soo if baxeen dilal u dhaxeeya beelo halkaa wada dega oo marka danbana keeni kara dagaallo ka dhax qarxa labada beelood, ayaa waxaa arintaa u is taagay sidii looga hortagi lahaa guddi bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa sidii nabad looga dhalin lahaa deegaannada ay colaaduhu ka jiraan.

6/24/2012 4:04 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Xidhihbaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isku soo taagay xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo kaga dhawaaqay inuu murashax yahay xaflad Sabtidii shalay ka dhacday Muqdisho.

6/24/2012 3:17 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay goob lagu fiirsanayay ciyaar ka tirsan horyaalka kubadda cagta ee Yurub oo u dhexeysay Faransiiska iyo Spain xeer ilaaliyihii maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland, Axmed Maxamed Xaaji Cali.

6/24/2012 3:14 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Falalkan oo kala ahaa qarax ka dhacay degmada Madheera oo ay ku dhaawacmeen laba sarkaal oo booliiska dalkaas ka tirsan, qof Soomaali ah oo lagu dilay Dhadhaab iyo kooxo hubeysna oo afduubay gaari ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ka dhacay dalka Kenya.