4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Kooxo hubeysan oo Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee Somaliland xalay ku toogtay Magaalada Laascaanood
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay goob lagu fiirsanayay ciyaar ka tirsan horyaalka kubadda cagta ee Yurub oo u dhexeysay Faransiiska iyo Spain xeer ilaaliyihii maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland, Axmed Maxamed Xaaji Cali.

Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu dilay rasaasta bastooladda isagoo isla goobta ku dhintay, waxayna ciidamada Somaliland isla xalay qabteen ruux ay sheegeen inuu ka mid ahaa kooxihii dilka xeer ilaaliyaha geystay.

"Waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo kooxihii dilka geystay," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Laascaanood ee Somaliland, Maxamuud Cali Geelle oo saxaafadda la hadlay. Wuxuuna hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in markii ay u dhammaadaan baaritaannadu ay bixin doonaan faahfaahinno dhaaraad ah.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka marxuumka, isagoo noqnaya mas'uulkii lixaad oo laga dilo hay'adaha garsoorka Somaliland ee ka howgala degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Gobolka Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood ayaa ka mid ah goobaha ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland, waxaana dhowr jeer ka dhacay dilal loo geysatay mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland, kuwaasoo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyaddooda.

Xaaladda degmada ayaa saakay daggan, iyadoo lagu arkayo gudaha degmadaas ciidammo booliis ah oo baaritaanno sameynaya, halka dadweynuhuna ay aad u hadal hayaan dilkii xalay dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya