Axad, July 29, 2012 (HOL) - Dab baabi'iyay gabi ahaanba suuqii ugu waynaa ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa galabta maqribkii halkaas ka bilowday.
Dabka ayaa la sheegayaa inuu haatan ku fiday xaafadaha xerada, kadib markii uu soo dhaafay suuqii Dhagaxley oo la sheegay inuu ahaa kan hantida ugu badan ee ganacsatada xeryaha qaxootiga ay taallay.
Goob jooge ku sugan Dhagaxley oo ay Hiiraan Online wax ka waydiisay dabka ayaa sheegay inuu haatan wali soconayo dabkaasi oo lagu guul darraystay in la damiyo.
Salaad Xirsi ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka iyo kooxaha dab damiska ee dalka Kenya aysan wax faragalin ah ku samaynin xaalada oo ah mid kasii daraysa.
Salaad ayaa walaac ka muujiyay xaalada xeradaasi, isagoo sheegay in kumannaan dad ah ay kasoo baxeen guryihii si ay qoysaskooda dabka ugala baxsadaan.
Ilaa iyo hadda majirto wax khasaare nafeed ah oo dabkan ka dhashay balse waxaa walaac wayni uu soo food saaray ganacsatadii suuqa gubtay oo markii horeba ku jiray xaalad nololeed oo aad u adag.
Mana cadda sababta rasmiga ah ee uu ka dhashay dabkan oo lagu tilmaamay kii ugu darnaa ee xeryahaasi qaxootiga, tan iyo markii la aasaasay 20 sano ka hor.
Wixii war ah ee dabkaas kasoo kordha waxaad kala socon kartaan wararka dambe ee Hiiraan Online.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Dab xoog leh oo ka kacay xerada qaxootiga ee Dhagaxley
More News
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Maanta kula kulmay Degmada Matabaan Odayaal iyo Waxgarad kasoo Jeeda Degmadaas
- Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo oo lagu Weeraray Madaafiic xilli ay ka duulaysay Diyaarad Rakaab
- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Irland oo Muqdisho booqday lana kulmay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirradiisa
- Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo sheegay in Qodobbo ka mid ah Dastuurka ay ka Horimaanayaan Diinta Islaamka
- Dagaal xooggan oo Ciidamada DKMG, Kenya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose
- Hay'adda Caafimaadka Adduunka oo sheegtay in Cudurka Ebola uu ka dilaacay dalka Uganda kuna dilay 14-qof
- Afhayeenka howgallada ee Xarakada Al-shabaab oo sheegay inay toogasho ku dileen laba ka tirsan ciidamada AMISOM
- Dagaal culus oo ciidamada Dowladda KMG, kuwa Itoobiya iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo