Axad, July 29, 2012 (HOL) — Dagaal aad u xooggan ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.
Dagaalkan oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii cutubyo katirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar aad u xooggan ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ku leeyihiin duleedka Afmadow.
Goobjoogayaal ku sugan Afmadow ayaa HOL u sheegay in daryanka madaafiicda ay labada dhinac isku ridayeen siweyn looga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada Afmadow, wuxuuna xusay in dagaalkii xalay uu saameeyn ballaaran ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada Afmadow.
Illaa imika lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo weliba khasaaraha ka dhashay, waxaana inoo suurogeliweysay xiriirro aynu la sameynay dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray.
Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa 31-da bishii May ee sanadkan gacanta ku dhigay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, kadib dagaallo xooggan oo ay Al-shabaab kula galeen deegaanno hoostaga Degmadaasi, waxaana mudooyinkii u danbeeyay isa soo tarayay weerarrada ay Al-shabaab ku qaadayaan magaalada Afmadow iyo deegaanada kale ee gobolka Jubada Hoose ee ay ku suganyihiin ciidamada huwanta ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Dagaal xooggan oo Ciidamada DKMG, Kenya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Dab xoog leh oo ka kacay xerada qaxootiga ee Dhagaxley
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Maanta kula kulmay Degmada Matabaan Odayaal iyo Waxgarad kasoo Jeeda Degmadaas
- Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo oo lagu Weeraray Madaafiic xilli ay ka duulaysay Diyaarad Rakaab
- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Irland oo Muqdisho booqday lana kulmay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirradiisa
- Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo sheegay in Qodobbo ka mid ah Dastuurka ay ka Horimaanayaan Diinta Islaamka
- Hay'adda Caafimaadka Adduunka oo sheegtay in Cudurka Ebola uu ka dilaacay dalka Uganda kuna dilay 14-qof
- Afhayeenka howgallada ee Xarakada Al-shabaab oo sheegay inay toogasho ku dileen laba ka tirsan ciidamada AMISOM
- Dagaal culus oo ciidamada Dowladda KMG, kuwa Itoobiya iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo