4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Afhayeenka howgallada ee Xarakada Al-shabaab oo sheegay inay toogasho ku dileen laba ka tirsan ciidamada AMISOM
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abu-Muscab ayaa sheegay inay ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran toogasho ku dileen laba ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in labada askari ee ay toogteen ay ahaayeen kuwo ka tirsan ciidamada Burundi oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

"Ciidamada shiishka wanaagsan waxay toogasho ku dileen labo askari oo ciidamada Burundi ka tirsan, kaddib markii ay ka toogteen meel fog iyagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Dayniile," ayuu yiri Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlayay.

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu sidoo kale sheegay inay askar ka tirsan ciidamada DKMG ah ku dileen weerar kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Siinka-dheer oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

"Xoogaggeennu waxay weerar gaadmo ah oo ay ka fuliyeen Siinka-dheer, ku gubeen gaari kuwa dagaalka ah oo ay wateen ciidamada dowladda, waxayna halkaas ku dileen askar badan oo saarnaa," ayuu yiri afhayeenka u hadlay Al-shabaab.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah iyo AMISOM oo ku saabsan dilalka uu sheegay afhayeenka ciidamada Al-shabaab inay siyaabo kala duwan ugu geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

Xarakada Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay tan iyo sannadkii hore luminayeen dhulal badan oo ay ka taliyeen, kuwaasoo ay la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo caawinaya ee ka socda dalalka dariska ah iyo Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya