4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Dagaal culus oo ciidamada Dowladda KMG, kuwa Itoobiya iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay duleedka deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa qarxay markii xoogag daacad u ah Al-shabaab ay weerareen deegaankaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya, waxaana dagaalkan ku dhaawacmay tiro ka badan 15-qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ka mid ah.

"Al-shabaab ayaa xalay soo weerartay deegaanka Yurkud, waana la iska difaacay iyadoo halkaas uga cararay maydadka 26-qof oo ka mid ah dagaalyahannadoodii," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah, Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlayay saxaafadda.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, ma uusan sheegin khasaare dhankooda soo gaartay, iyadoo saraakiil u hadlay Xarakada Al-shabaab ay sheegeen inay weerareen Yurkud oo ka tirsan gobolka  Gedo, balse ma sheegin khasaaraha dagaalkaas ka dhashay.

Deegaanka Yurkud ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay xalay dib uga laabteen halkaas, waxaana uu noqonayaa dagaalkii labaad ee noociisa ah oo sannadkan ciidamada DKMG ah, Itoobiya iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmara deegaankaas.

Ma jirto khasaare dagaalkaas kasoo gaaray dadka shacabka ah, iyadoo dadka ku sugan degmadaas oo qaarkood warbaahinta la hadlya ay sheegeen in dagaalku uu ahaa mid aad u culus.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in weerar gaadmo ah lagu qaaday gaadiid ay wateen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya oo ka tirsan AMISOM, halkaasna lagu gubay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamadan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan inay ku dhaawacmeen afar askari oo ciidamada dowladda KMG ah ka tirsan, inkastoo guddoomiyaha gobolka Gedo uusan sheegin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya