"Wasaarad walba waxay ka koobanayd laba wasaaradood iyo ka badan, wasaarad walba waxaanu u sameynay laba wasiir ku xigeen oo kala qaybsan doona howlaha wasaaradaha horyaalla, taasina waxay keenaysaa in howlaha mid-mid loo gaaro," ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid.
Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Arrintan waxay keenaysaa in wasaaradihii ay noolaadaan, wasiirraduna ay helaan shaqooyin mucayin ah. Runtiina sidanna waxaan u aragnay inay ku jirto danta guud.".
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka iyo xidhibaannada uu uga mahad-celinayo sidii ay ula fahmeen qorshaha ay kusoo magacaabeen wasiir ku xigeennada. Isagoo intaas ku daray in shacabka uu sidoo kale uga mahadcelinayo sida ay ula fahmeen inaysan jirin Soomaali kala dhiman oo ay Soomaalidu siman tahay.
Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in kulankii maanta ay kasoo qaybgaleen dhammaan xubnaha golaha wasiirrada oo ay ku jiraan xubnihii dhawaan la magacaabay, isagoo sheegay in ajandayaashii ay ka hadleen oo dhan ay isla garteen.
"Waxaan ku faraxsanahay in maanta ay markii ugu horreysay kulan isugu yimaadaan golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo dhan, marka laga reebo kuwo yaryar oo dalka dibaddiisa shaqooyin ugu maqan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha.
Mudane Saacid ayaa dhawaan dhameystiray golihiisa wasiirrada inkastoo uu wasiir ku xigeen ka mid ahaa kuwii uu magacaabay uu iska casilay xilkiisii, isagoo sheegay in xilkan uu yahay mid aan u cuntamayn beeshiisa.
Maxamede Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya