4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2012
Xuska Sanad-guuradii 40-aad ee kasoo Wareegtay qoraalka Afka Soomaaliga oo Maanta lagu qabanayo dalka Jabuuti

Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Munaasabaddan oo ay ka qaybgalayaan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, dublamaasiyiin ka socda dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta ka furmaysa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Munaasabadda kaddib ayaa waxaa furamaya kulan socon doona muddo shan casho ah oo looga hadlayo horumarka iyo dib u dhaca uu sameeyay afka Soomaaliga tan iyo markii la qoray, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigi doonaan munaasabadda buugaag ku qoran afka Soomaaliga.

Diyaargarowga furitaanka munaasabadda ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jabuuti oo dhan, iyadoo munaasabadda gabagabadeeda uu si rasmi ah u furi doono kulanka madaxweynaha dalka Jabuuti.

Kulankan looga hadlayo afka Soomaaliga ayaa waxaa soo qabanqaabisay ururka qorayaasha iyo hal-abuurka Soomaalida (Somali Speakng Pen), waxaana ka qaybgalaya xubno uu ka mid ahaa kuwii qaybta weyn ka qaatay qoraalka afka Soomaaliga 40-sano ka hor.

Afka Soomaaliga ayaa wuxuu ka mid yahay afafka Afrika ugu qadiimisan, isagoo sidoo kale ka mid ah afafka Afrika ee lagu shaqeeyo, waxaana afka Soomaaliga looga hadlaa dalalka ku yaalla geeska Afrika sida Soomaalia, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Inta uu socdo kulanka looga hadlayo qoraalka afka Soomaaliga ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa hal-ku-dhigyo ka tarjumaya horumarinta afka hooyo iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa in afka uusan noqon mid luma, sida ku dhacday afaf badan oo Afrika looga hadli jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya