4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2012
Al-shabaab oo sheegtay in Abuu-Mansuur Al-Amriiki uusan ku hadli karin magaca Dagaalyahannada Ajnabiga ah
Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki uusan matelin kuna hadli karin magaca dagaalyahannada ajnabiga ah ee ka barbar dagaalama xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena aysan jirin jago uu ka hayo Al-shabaab.


“Kaddib filimkii uu baahiyay iyo warar aan jirin oo uu ku sheegay in Al-shabaab ay ka dhex-jirto kala qaybsanaa ayaa Al-shabaab waxay caddeynaysaa in Abuu-Mansuur Al-Amriiki aanu matalin, kuna hadli karin magaca dagaalyahannada ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka ay Al-shabaab soo saartay.

Sidoo kale, bayaanka waxay Al-shabaab ku sheegtay in hadallada Abuu-Mansuur ay dhammaantood yihiin ruwaayado buuxiyay warbaahinta reer galbeedka, kuwaasoo jah-wareer ku beeray muslimiinta caalamka - qaabab kala duwanna looga warceliyay.

"Hadalladii Abuu-Mansuur uu warbaahinta ku baahiyay waa kuwo muujinaya inuu yahay qof u jajaban inuu is-muujiyo, balse waa kuwo aanay waxba ka jirin marka xaqiiqada loo yimaado," ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al-shabaab.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in mujaahidiinta oo qaadaya dhariiqii Nabiga (NNKH) ay ka go'an tahay hammigooda ku aadan inay sare u qaadaan diinta Islaamka isla markaana ay xoojianya xiriirka walaalnimo ee kala dhexeeya walaalahooda la jooga.

Ugu dambeyn, Al-shabaab waxay bayaanka ku sheegtay in Abuu-Mansuur uusan wax jago ah ka hayn maamulka Al-shabaab; waxaana sidoo kale bayaanka lagu beeniyay inuu yahay saraakiisha dagaalka geliya xoogagga Al-shabaab ama lacagaha u soo ururiya.

Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo kasoo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa dhowr sano ka hor kusoo biiray Al-shabaab, isagoo sheegay inuu jiro khilaaf ka dhex-taagan Al-shabaab, sidoo kalena wuxuu ku sheegay cajalad maqal ah oo uu horraantii sannadkan soo duubay inuu baqdin ka qabo in la dilo.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo tan iyo sannadkii hore uu jiray khilaaf weyn oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo hoggaamiyahan Mareykanka ah, kaasoo dhowr jeer lagu arkay fagaarayaasha waaweyn ee ay ku kulmaan Al-shabaab, isagoo ku hadlaya afka Soomaaliga oo aad u jajaban.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya