Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa isgoyska Aadan Cadde oo ku dhow suuqa bakaaraha ee Muqdisho ku toogtay mid ka mid ah saraakiisha nabadsugidda dowladda Soomaaliya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Afloow; iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay si nabadgalyo ah uga baxsadaan halkaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba dhallinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay dilka geysteen, ayna markiiba goobta ka carareen, iyadoo isla markiiba ay goobta tageen ciidammo ka tirsan hay'adda nabadsugidda kuwaasoo maydka askariga goobta ka qaaday.
"Xaaladdu hadda waa deggen tahay, kooxo hubeysan ayaa toogtay sakaal ka tirsanaa hay'adda nabadsugidda dowladda Soomaaliya. Daqiiqado kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidammo ka tirsan nabadsugidda oo halkaa ka sameeyay baaritaanno," ayuu yiri Axmed Faarax oo dukaan ku leh meel ku dhow isgoyska uu dilku ka dhacay.
Ciidamada ayaa la sheegay inay qabteen dhowr dhalinyaro ah oo ay la xiriiriyeen in ay lug ku lahaayeen dilka askariga, iyadoo fal noocan oo kale horraantii bishan lagu dilay guddoomiyihii suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Ow-diini iyo sarkaal ciidamada dowladda ka tirsan.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay weli xoogag iyada tagaeersan ka howgalaan magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, iyadoo ammaanka degmooyin ka tirsan Muqdisho uu weli yahay mid dhutinaya.
Hay'adaha dowladda Soomaaliya ayaa falalka noocan oo kale ah ma'suuliyadooda dusha ka saarta Al-shabaab, inkastoo aysan weli ka hadlin Al-shabaab dilka maanta ka dhacay isgoyska Aadan Cadde ee suuqa Bakaaraha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo hubeysan oo Agagaarka Suuqa Bakaaraha ku dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya
More News
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka warbixiyay Sababtii keenay in wasaarad walba uu u magacaabo laba wasiir ku-xigeen
- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka Hadlay Munaasabad weyn oo lagu Xusayay Qoraalka Farta Soomaaliga
- Ciidamada Ammaanka Kenya oo Baaritaanno ay dad badan ku qabqabteen ka wada Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
- Al-shabaab oo sheegtay in Abuu-Mansuur Al-Amriiki uusan ku hadli karin magaca Dagaalyahannada Ajnabiga ah
- Xuska Sanad-guuradii 40-aad ee kasoo Wareegtay qoraalka Afka Soomaaliga oo Maanta lagu qabanayo dalka Jabuuti
- Ciidamada Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay kala duwan u siday Xoogagga Al-shabaab ee Buuraleyda Golis
- Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Qaraxyo ka dhacay Xaafadda Islii (Eastleigh) ee Magaalada Nairobi
- Baarlamaanka Puntland oo Cod Aqlabiyad ah ku Ogolaaday Xeerka Furashada Xarumaha Caafimaadka iyo kan Isticmaalka Bacaha