4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2012
Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Qaraxyo ka dhacay Xaafadda Islii (Eastleigh) ee Magaalada Nairobi

Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba qof oo kalena si xun ayay ugu dhaawacmeen saddex qarax oo xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoo booliiska Kenya ay ku eedeeyeen weerarradaas inay ka dambeysay Al-shabaab.


Taliyaha booliiska Kenya, Moses Nyakwama ayaa sheegay in laba qof oo si xun u dhaawacan loo qaaday isbitaallada, basle goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in ay arkeen maydka hal qof o rayid ah.

"Laba qof oo si xun ugu dhaawacmay qaraxyada ayaa loola cararay isbitaallada ma jiro khasaare kale oo ka dhashay weerarradan oo ahaa kuwo isxigay," ayuu yiri Nyakwama oo la hadlay AFP.

Hay'adda bisha cas ee Kenya iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen saddex qarax oo kala duwan, kuwaasoo laga tuuray gaari si xowli ah ku socday, inkastoo aysan geysan khasaare fara badan.

Taliyaha booliiska Kenya, Moses Nyakwama ayaa ku eedeeyay weerarradii xalay in ay ka dmabeyso Al-shabab, balse ma jirto cid sheegatay illaa iyo hadda inay ka dambeyso weerarkaas.

Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay xaafadda Islii dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay ayaa sababay dhimashada in ka badan toban qof iyo dhaawaca soddomeeyo kale, kuwaasoo uu ku jiray xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto deegaanka Kamakuunji oo ay ka tirsan tahay Isliil.

Weerarradan ayaa waxay imaanayaa xilli Kenya ay isku diyaarinayso sannadka soo socda inay dhacaan doorashooyinka madaxnimo, iyadoo dowladdu ay ugu baaqday qoxootiga iyo magan-galyo doonka ku sugan magaalooyinka waaweyn inay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya