Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM.
Wafdiga oo qeybo badan isugu jiray ayaa kala hadlay dhinacyadii ay is arkeen arrimo quseeya nabad-galyada, iyo waliba sidii ay hay’addaha gargaarka u dardar-galin lahaayeen howlaha samafalka ee gobollka.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji oo kulanka kadib warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in wafdiga iyo mas’uuliyiin gobollka isla soo qaadeen dardargalinta howlaha samafalka.
"Dhowr jeer oo hore ayeey wafdiga soo booqdeen magaalada Baladweyne, laakiin hadda waxaa ay inoo sheegeen in ay u socdaan wax qabad, gaar ahaan waxaa ay balan-qaadeen in ay wax badan ka qaban doonaan arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada, iyaga oo dayactir ku sameynaya dugsiyada bur bursan ee magaalada ayuu yiri,’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobolka.
Wuxuu intaa ku darray Axmed Inji in wafdiga sidoo kale ay u balan-qaadeen in wixii xiliggan ka danbeeya talaabo muuqata la qaadayo, madaama ayuu yiri amniga magaalada uu yahay mid leysku haleyn karo.
Magaalada Baladweyne waxaa horay marar badan sidan oo kale u soo gaaray wafuud ka kala soctay hay’addo kala gadisan oo kuwa samafalka ah, kuwaasoo dhamaantood u kuur-galayay xaalada nabad-galyo iyo tan nolaleed ee ka jirta gobollka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Wafdi ka socday Hay’adaha Gargaarka ee Qarammada Midoobay oo Maanta Booqday Magaalada Baladweyne
More News
- Labo ka mid ah shaqaalaha markabka MV Iceberg-1 ee lagu haysto degmada Garacad oo la dilay iyadoo 3 kalena la dhaawacay
- PROF. AXMED I. SAMATAR: "Soomaaliya waxaa u billaabatay Rajo cusub oo ay kaga baxayso Fowdada iyo Colaadaha"
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddi-hoosaadyo Baarlamaanka
- Iskahorimaad Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Garbahaareey
- Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Khasaare Geystay oo Jimcihii shalay ka dhacay Muqdisho
- Dadweynaha Masar oo u Codeynaya Dastuur Cusub oo uu dalkaas yeesho iyo kala qaybsanaan Siyaasadeed oo jirta (SAWIRRO)
- Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin saraakiil ciidan oo gaaray Garbahaareey
- Kenya oo sheegtay inay Joojinayso Diiwaan-gelinta Qoxootiga Somalida ayna dib u celinayso Qoxootiga Dhadhaab ku jira
- Kooxo hubeysan oo xalay nin ganacsade ah ku dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Nin hubeysan oo Gobol ku yaalla Waqooyi-bari Mareykanka ku toogtay Caruur Iskuul dhiganayay iyo Hooyadiis
- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo si Nabad-galyo ah kula wareegay Degmada Ufuroow ee Gobolka Bay
- Xildhibaanaddda cusub ee Boorame iyo Burco oo loo dhaariyey xilka cusub ee dhawaanta ay la wareegi doonaan
- Shirkii dalalka Galbeedka Badweynta Hindiya ee ka dhacay dalka Mozambique iyo Soomaaiya oo ka qaybgashay