4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Khasaare Geystay oo Jimcihii shalay ka dhacay Muqdisho
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gacanta siinaya ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo shalay ka dhacday waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.


Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxaas isagoo sheegay in ay ku dileen sarkaal caddaan ah oo la socday gaadiidka ciidamada AMISOM, isagoo sheegay inay weerarrada noocaas oo kale ah sii wadi doonaan.

"Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan oo lagu beegsanayay gaadiid ay AMISOM leedahay oo waday sakaalka ugu sarreeya sirdoonka Mareykanka ee Afrika, waana ka gaarnay hadafkii aan ka lahayn - waxaana ku dilay sarkaal Mareykanka ahaa," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Qaraxii shalay ayaa dilay laba qof oo shacab ah, mana jiro khasaare kasoo gaaray qaraxaas gaadiid ay ciidamada AMISOM wateen oo halkaas marayay, iyadoo sidoo kale weerarkaas ay ku dhaawacmeen 10-qof oo shacab ah, sidoo kalena wuxuu burbur u geystay dhismayaashii ku dhawaa halka uu ka dhacay.

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan weerarrada noocan oo kale, isagoo sheegay inay beegsan doonaan goobaha ay dowladdu gacanta ku hayso iyo saldhigyada ciidamada AMISOM ee ku yaalla Muqdisho iyo degmooyinka kale ee gobolka.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Dheere wuxuu daboolka ka qaaday inay dhabarka ka dillaaciyeen qorshe uu sheegay inuu dhan ka ahaa  Al-shabaab oo ay maleegayeen xubno reer galbeed ah oo Muqdisho ku sugan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya