Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ay saraakiisha dowladda ee ku sugan gobolka Gedo guulo ka sheegteen ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Garbahaare ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo halkaas uu booqasho ku joogo wasiirka gaashaandhigga Soomaaiya iyo saraakiil uu hoggaaminayo.
Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalku uu qarxay markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen degmada oo wafdi dowladda ka socda ay ku sugan yihiin.
"Xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday waan kala erinnay, waxaana kaga dilay dagaalka saddex ruux, shan kalena waan kaga dhaawacmay," ayuu sarkaalkan u sheegay warbaahinta, isagoo sheegay inaysan jirin khasaare dagaalkaas kasoo gaartay.
Al-shabaab ayaan iyadu weli ka hadlin dagaalka, laakiinse goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ay sheegeen inay arkeen maydadka shan qof oo labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay xaaladduna ay tahay mid deggen.
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin goobtii lagu dagaalamay, iyadoo dagaalkan aysan wax khasaare ah kasoo gaarin wafdigii dowladda ee tagay xarunta gobolka Gedo oo uu ka mid ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.
"Wafdiga dowladda si nabadgalyo ah ayay ku joogaan degmada, waxayna wataan kulammadii ay halkan u yimaadeen, xaaladduna waa mid deggen," ayuu yiri Diyaad Cabdi Kaliil, isagoo sheegay in ciidamada dowladdu ay aad u feejigan yihiin.
Degmada Garbahaarey oo ah xarunta gobolka Gedo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan weeraraan xoogagga Al-shabaab, iyadoo dhowr jeer ay Al-shabaab gudaha u gashay degmadaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Iskahorimaad Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Garbahaareey
More News
- Labo ka mid ah shaqaalaha markabka MV Iceberg-1 ee lagu haysto degmada Garacad oo la dilay iyadoo 3 kalena la dhaawacay
- Wafdi ka socday Hay’adaha Gargaarka ee Qarammada Midoobay oo Maanta Booqday Magaalada Baladweyne
- PROF. AXMED I. SAMATAR: "Soomaaliya waxaa u billaabatay Rajo cusub oo ay kaga baxayso Fowdada iyo Colaadaha"
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddi-hoosaadyo Baarlamaanka
- Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Khasaare Geystay oo Jimcihii shalay ka dhacay Muqdisho
- Dadweynaha Masar oo u Codeynaya Dastuur Cusub oo uu dalkaas yeesho iyo kala qaybsanaan Siyaasadeed oo jirta (SAWIRRO)
- Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin saraakiil ciidan oo gaaray Garbahaareey
- Kenya oo sheegtay inay Joojinayso Diiwaan-gelinta Qoxootiga Somalida ayna dib u celinayso Qoxootiga Dhadhaab ku jira
- Kooxo hubeysan oo xalay nin ganacsade ah ku dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Nin hubeysan oo Gobol ku yaalla Waqooyi-bari Mareykanka ku toogtay Caruur Iskuul dhiganayay iyo Hooyadiis
- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo si Nabad-galyo ah kula wareegay Degmada Ufuroow ee Gobolka Bay
- Xildhibaanaddda cusub ee Boorame iyo Burco oo loo dhaariyey xilka cusub ee dhawaanta ay la wareegi doonaan
- Shirkii dalalka Galbeedka Badweynta Hindiya ee ka dhacay dalka Mozambique iyo Soomaaiya oo ka qaybgashay