4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Nin hubeysan oo Gobol ku yaalla Waqooyi-bari Mareykanka ku toogtay Caruur Iskuul dhiganayay iyo Hooyadiis


Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Nin hubeysan ayaa ku toogtay 26-qof oo ay ku jireen 20 cunug oo arday ahaa iyo lix macallimiintii iskuulka ahaa kaddib markii uu weerar ku qaaday iskuulka hoose ee Sandy Hook oo ku yaalla magaalada Newtown ee gobolka Connecticut Jimcihii shalay.

Adam Lanza oo ah ninka xasuuqa geystay oo 20-jir ahaa ayaa soo dilay hooyadiis ka hor intii uusan imaan iskuulka uu xasuuqa ka geystay, isagoo toogashada ka billaabay laba galaas oo ku dhow xafiiska iskuulka laga maamulo, waxaana caruurta la toogtay ay da'doodu u dhexeysay shan sano illaa toban sano.

"Shaydaan ayaa maanta soo booqday bulshada ku nool magaaladan," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Connecticut, Dannel Malloy oo la hadlayay wariyeyaasha, waxanaa sidoo kale dhacdadan ka hadlay madaxweynaha Mareykanka isagoo ku tilmaamay musiibo ku dhacday dadka ku nool magaaladaas.

Ruuxa toogashada geystay ayaa isaguna u dhintay mid ka mid ah xabbadihii uu ku furayay caruurta oo dhaawacday, waxaana la sheegay inuu xirnaa dharka ciidanka markii uu iskuulka galayay, inkastoo ay qadar murmeen maamulka iskuulka haddana waxaa u suurogashay inuu toogto caruurta.

Ciidamada ammaanka magaalada Newtown ayaa waxaa u suurogashay inay goobta soo gaaraan oo ay ardaydii ka badbaaday dhacdada ka saaraan halkaas iyagoo nabad-qaba, waxaana dhacdadan ay ka mid noqonaysaa kuwii ugu xanuunka badnaa ee ka dhaca dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa xasuuqan ku tilmaamay mid naxdin badan, isagoo sheegay inuu murugada la qaybsanayo qoysaska ay caruurtooda ku dhinteen xasuuqa.

"Anigoo u hadlaya sidii waalid waxaan sheegayaa in maanta niyaddeennu jabtay," ayuu yiri Obama oo intaas ku daray: "Waxaan murugada la wadaagaynaa waalidkii caruurtooda ku waayay dhacadaas foosha xun."

Dhacdadan ayaa ka mid noqonaysaa dhacdooyin dhowr ah ah oo ka dhacay dalka Mareykanka tan iyo markii uu Obama xilka la wareegay sannadkii 2009-kii, wuxuuna madaxweynaha Mareyanka ku tilmaamay dhacdadan middii ugu xanuunka badnayd ee soo marta shacabka Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya