4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Dadweynaha Masar oo u Codeynaya Dastuur Cusub oo uu dalkaas yeesho iyo kala qaybsanaan Siyaasadeed oo jirta (SAWIRRO)

Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Dadweynaha dalka Masar ayaa saakay oo Sabti ah billaabay inay u codeeyaan dastuurka cusub ee uu dalkaas yeelanayo, iyadoo ay muuqato kala qaybsanaa dhinaca siyaasadda ah oo weli taagan.

Cod-bixiyeyaasha ayaa waxay ku kala qaybsan yihiin in codka la siiyo dastuurka iyo inaan la siin, iyadoo ururka Akhwaanul Muslimiin oo taageersan madaxweyne Mursi uu qabo in dastuurka la ogolaado, halka mucaaradka ah oo isugu jira kooxo isbedel-doon ah iyo masiixi ay diidan yihiin dastuurka iyagoo u arka inuu yahay mid uu madaxweynuhu dabada ka riixayo.

"Waqtiyadii aamusnaanta way dhammaadeen," ayuu yiri Essam Al-Guindy oo ah nin u shaqeeya banki, kaasoo ka codeyanyay degmada Zamalik, isagoo hadalkiisa ku daray: "Anigu codkeyga ma siinayo dastuurka. Maxamed Morsina dalkan kuma hoggaamin karo kala qaybsanaanta."

Al-Gunidy wuxuu ka mid ahaa 20 rag ah oo safar ugu jirtay inay codkooda dhiibtaan, sidoo kale waxaa dhinacooda taagnaa haween iyaguna doonayay inay codkooda dhiibtaan, kuwaasoo isugu jiray kuwo ogol dastuurka iyo kuwo kasoo horjeeda.



Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa aroornimadii hore ee saakay isugu soo baxay barxad weyn oo ku taalla magaalada Qaahira, iyagoo aan rabshado ah sameyn, iyadoo doorashadu ay billaabatay 8:00 aroornimo ee saakay oo Sabti ah.

"Qaybo dastuurka ka mid ah ayaan akhriyay iimana muuqan wax lagu diido," ayay tiri Raniya Wafiiq oo safar ugu jirtay inay codkeeda dhiibato xilli ay xambaarsanayd cunug yar oo ay dhawaan dhashay. "Waxaanu doonaynaa inaan horay u soconno, anigana iima muuqato wax codka loogu diido dastuurka."

Ciidammo gaaraya 120,000 oo askari ayaa sugaya ammaanka guud ee dalka Masar oo ay dhammaantiis doorashooyinku ka socdaan, iyadoo sidoo kale la arkayo ciidan booliis ah oo ilaalinaya goobaha sanaadiiqdu taallo iyo safafka cod-bixiyeyaasha.

Isku-dhacyo dhexmaray saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay dadweyne taageersan iyo kuwo kasoo horjeeda dastuurka cusub ayaa ka dhacay Qaahira iyadoo ay ku dhinteen isku dhacyadaas 10 qof waxaana ku dhaawacmay 1,000 qof oo kale.

Dadweynaha Masar ee codeynaya ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 51 milyan waxaana dastuurku uu ansax noqonayaa haddii 26 milyan oo ka mid ah ay codka siiyaan, waxaana natiijada codeyntu ay soo bixi doontaa toddobaadka soo socda.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya