Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Dajire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in toddobaadka soo socda lasoo dooran doono afhayeenka baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo madaxweynaha.
Ergayga ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan todobaadkan in lagu soo dhameystio xulidda baarlamaanka cusub ee Soomaaliya si ay howsha baarlamaanka u billaabato toddobaadka soo socda.
"Waxaynu ku jirnaa dhameystirka xilliga KMG ah, toddobaadkan waxaa la hirgelin doonaa baarlamaan ka kooban 275 xubnood, kuwaasoo toddobaadka soo socda soo dooran dooran doona guddoomiyaha, ku xigeennadiisa iyo madaxweyne, waxaana ku rajo weynnahay in wax walba lagu dhameystiri doono waqtigii harsan," ayuu yiri Mahiga oo wareysi siinayay BBC-da.
Danjire Mahiga oo la weydiiyay inay baqdin ka qabaan in waqtiga uu dib u dhaco, maadaama xidhibaanno ka mid ah kuwa lasoo xulay dib loogu celiyay odayaasha, ayaa wuxuu sheegay in la haysto waqti ku filan in howsha dhiman lagu qabto, isagoo sheegay in odayaashu ay hayaan magacyada dad ay ku bedeli karaan kuwa la diiday.
Sidoo kale, su'aal kale oo ahayd inay jirto qaylo-dhaan ka timid dadweyaha oo ku saabsanayd laaluush bixin iyo hanjabaad, ayaa kaga jawaabay: "waxaan rajo weyn ku qabnaa in dowladda soo socota ay sameyn doonto aasaasyo sharci ah oo tallaabo looga qaadi doono arrimahan loogu talo-galay in la isku hortaago in la dhameystiro xilliga KMG ah."
Dajire Mahiga wuxuu sheegay inay iyagu horay u caddeeyeen in musuqmaasuqa jira ay kaga jawaabayaan cunno-qabteyn, balse ma uusan sheegin go'aanka laga filayo inay dowladda KMG ah ka qaato arrintan.
"Waxaan ku kalsoonnahay inay jiraan dad aad u badan oo ceeb ka saliim ah iyadoo baaritaannada iyo tijaabooyinka la marsiinayo murashaxiinta baarlamanka ay tahay sidii lagu badbaadin lahaa sharafta iyo hannaanka daacadnimada, waxaana leennahay guddi farsamo, mid xulid iyo kormeerayaal caalam ah kuwaasoo oo runtii tilmaamay magacyo xoogaa ah," ayuu danjire Mahiga kaga jawaabay su'aal ahayd kalsoonida lagu qabi karo xildhibaanno laaluush ku yimid.
Wakiilku wuxuu sheegay in xildhibaannada maray imtixaanaadka iyo xaqiijinta ay noqon doonaan kuwo lagu kalsoon yahay, isagoo xusay inay awood u yeelanayaan inay dhex istaagaan gudaha baarlamaanka soo socda iyo inay gaarno go'aamo horseedi doona dowlad wanaag.
Ugu dameyn, mar uu ka hadlay ammaanka ayuu sheegay in xaaladda ammaan ee Muqdisho ay tahay hadda tahay mid wanaagsan, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna xusay in ammaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo iyo kuwa DKMG ah.
Hadalka danjire Mahiga ayaa kusoo beegmaya iyadoo dadaal xooggan loogu jiro sidii xildhibaannada baarlamaanka loogu dhawaaqi lahaa, waxayna guddiga ku howlan xulista xildhibaannada ay sheegeen inay ku jiraan kala saarista magacyada xubnaha loosoo gudbiyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Danjire Mahiga oo sheegay in Toddobaadka soo socda lasoo dooran doono Afhayeenka Baarlmaanka iyo Madaxweyne
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Beelaha una dhoofay dalka Sucuudi Carabiya
- Madaafiic Culus oo la isku Weydaarsaday duleedka Degmada Afmadow ee Galbeedka Gobolka Jubbada Hoose
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo cayimay Wakhtigii ay Doorashooyinka Golaha Deegaanku dhacayaan
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay Suxufi
- Madaxweynaha Soomaliland oo soo dhaweeyay guushii uu gaadhay Mo Faarax, isagoo Dhallinyarada ku guubaabiyay inay ku daydaan
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Mandheere ee Gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ku dilay Baadari Kenyan ah
- Dab xoog leh oo baabi'iyay qaybo ka mid ah Suuqa Xerada IFO oo ka mid ah Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
- SHARIIF XASAN: "Haddii xilka Madaxweynenimo la ii doorto Soomaaliya waxaan ku maamulayaa Cadaalad"
- Xukuumadda Uganda oo sheegtay in diyaarado dagaal oo ay u dirtay Soomaaliya lagu waayay Hawada dalka Kenya