Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay guddiga xalinta khilaafaadka ee ku kulansan Muqdisho, isagoo ugu baaqay guddiga in la xalliyo cabashooyin ku saabsan musuqmaasuqa ee beelaha qaarkood soo gudbiyaan.
Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ahayd mid uu madaxweynuhu ugu kuurgalayay halka ay marayaan qorshaha lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maadaama uu waqtigu aad isku gurayo.
"Waxaa la idin kaga baahan yahay inaad soo dedejisaan xallinta khilaafaadka ku saabsan xulista xidhibaanada si ay u soo deg-degto soo gudbinta magacyada xildhibaannada baarlamaanka cusub," ayuu yiri Shariif Sheekh.
Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka, Garaad Jaamac Garaad Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayso howshooda, ayna kusoo gabgabeyn doonaan howshooda waqtigii loogu talogalay.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray inay haystaan waqti yar loogana fadhiyo guddiyada xulista iyo xallinta khilaafaadka inay kusoo dhisaan baarlamaan cusub oo tayo leh si ay u doortaan guddoomiyeyaashiisa iyo madaxweyne, isagoo guddiga xallinta khilaafaadka ku boorriyay inay xaliyaan cabashada beelaha Soomaaliyeed ee ku aaddan faragelinta xulista xildhibaannada.
Dhanka kale, madaxweyne Shariif iyo wasiirro wehlinaya ayaa ayaa u dhoofay dalka Sacuudi Carabiya halkaasoo ay uga qaybgalayaan shirka waddamada Islaamka ah oo arrimaha looga hadlayo ay ku jirto Soomaaliya.
Wasiirrada madaxweyaha Soomaaliya ku wehlinaya safarkisa ayaa waxaa ka mid ah: wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, wasiirka arrimha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cabdisamad Macalin Maxamuud.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Shariif ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkooda waxa uuna xusay in dowladda Sacuudi uu Madaxweynaha ka helay casuumaad halkaasna ay uga qeyb galayaan shir ay yeelanayaan wadamada Islaamka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Beelaha una dhoofay dalka Sucuudi Carabiya
More News
- Danjire Mahiga oo sheegay in Toddobaadka soo socda lasoo dooran doono Afhayeenka Baarlmaanka iyo Madaxweyne
- Madaafiic Culus oo la isku Weydaarsaday duleedka Degmada Afmadow ee Galbeedka Gobolka Jubbada Hoose
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo cayimay Wakhtigii ay Doorashooyinka Golaha Deegaanku dhacayaan
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay Suxufi
- Madaxweynaha Soomaliland oo soo dhaweeyay guushii uu gaadhay Mo Faarax, isagoo Dhallinyarada ku guubaabiyay inay ku daydaan
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Mandheere ee Gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ku dilay Baadari Kenyan ah
- Dab xoog leh oo baabi'iyay qaybo ka mid ah Suuqa Xerada IFO oo ka mid ah Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
- SHARIIF XASAN: "Haddii xilka Madaxweynenimo la ii doorto Soomaaliya waxaan ku maamulayaa Cadaalad"
- Xukuumadda Uganda oo sheegtay in diyaarado dagaal oo ay u dirtay Soomaaliya lagu waayay Hawada dalka Kenya