![]() |
"Baaritaanno lagu raadinayo diyaaradaha iyo ciidamadii saarnaa ayaa socda, ma garan karno waxa dhacay, laakiin waan baaraynaa, saxaafadda ayaana natiijada u soo gudbin doonnaa," ayuu yiri afhayeenka u hadlay milateriga Kenya.
Taliska milateriga Kenya ayaa sheegay inaysan hayn faahfaahinta sababta keentay in diyaaradaha la waayo. Iyagoo sheegay in tirada diyaaradaha maqan ay yihiin saddex, balse ma sheegin tirada ciidamadii saarnaa.
Laakiinse sarkaal u hadlay booliiska Kenya oo lagu magacaabo, Francis Munyambu ayaa sheegay inay heleen xog sheegaysa in mid ka mid diyaaradahaas maqan ee Uganda leedahay lagu arkay burburkeed maanta oo Insiin ah dhul howd ah oo ku yaalla bartamaha dalka Kenya.
Dalka Uganda ayaa waxaa ciidammo badan ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli bishan horraanteeda ay xukuumadda Kampala ay sheegtay inay saraakiil ciidan oo dhinaca cirka ah ay u dirtay Soomaaliya.
Shilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dowladda Uganda ay ku sheegto inay ku maqan yihiin diyaarado iyo ciidammo ay ku xoojinaysa howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Mareykanka ay Uganda ku taageertay dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah si ay uga qaybqaataan howgalka ka socda Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto xoogagga LRA ee uu hoggaamiyo Joseph Koni.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
