Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka KMG ah ee uu xilligiisu gabagabada yahay, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka madaxnimo ee Soomaaliya uu dalka ku hoggaamin doono cadaalad.
Shariif Xasan ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu kaga dhawaaqayay inuu yahay murashax oo Axadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, wuxuuna noqonayaa mas'uulkii ugu dambeeyay madaxda sare ee dowladda KMG ah oo ku dhawaaqa inuu yahay murashax madaxweyne.
"Dalkan wuxuu u baahan yahay cadaalad, inuu dhibaatada ka baxana waxay ku xiran tahay in cadaalad uu helo," ayuu yiri Shariif Xasan oo hadal kooban ka jeediyay xafladda murashaxnimadiisa.
Sidoo kale, Shariif Xasan wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ay Soomaaliya horumar ku gaari lahayd, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta iyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed gacmaha isku qabsan lahaayeen.
Mas'uuliyiin isugu jiray xildhibaanno, wasiirro iyo mas'uuliyiin ka socda xisbiyada qaar ka mid ah asxaabta dalka ka jira ayaa sheegay inay taageersan yihiin Shariif Xasan ayna la dhacsan yihiin murashaxnimadiisa, balse ma aysan sheegin inay kaslooni ku qabaan hadalkiisa ah inuu dalka ku hoggaamin doono cadaalad haddii la doorto.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa waxaa looga bartay inuu muran abuuro markii ay madaxda Soomaalidu heshiis gaaraan, waxaana dhowr jeer oo arrinta la weydiiyay uu sheegay inuusan isagu ahayn qof caqabad ku ah horumarka Soomaaliya.
"Waxaan xilka madaxnimo ee Soomaaliya isku taagay markii aan arkay in dalkan uu u baahan yahay in cadaalad lagu hoggaamiyo, waxaana qabaa inaan anigu hoggaan cadaalad ah u horseedi karo Soomaaliya," ayuu Shariif Xasan ku yiri khudbadiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sharii Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa iyaguna horay ugu dhawaaqay inay yihiin murashaxiin u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo ay sare u socoto murashaxiinta xilka isku soo taagaya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
SHARIIF XASAN: "Haddii xilka Madaxweynenimo la ii doorto Soomaaliya waxaan ku maamulayaa Cadaalad"
More News
- Danjire Mahiga oo sheegay in Toddobaadka soo socda lasoo dooran doono Afhayeenka Baarlmaanka iyo Madaxweyne
- Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Beelaha una dhoofay dalka Sucuudi Carabiya
- Madaafiic Culus oo la isku Weydaarsaday duleedka Degmada Afmadow ee Galbeedka Gobolka Jubbada Hoose
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo cayimay Wakhtigii ay Doorashooyinka Golaha Deegaanku dhacayaan
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay Suxufi
- Madaxweynaha Soomaliland oo soo dhaweeyay guushii uu gaadhay Mo Faarax, isagoo Dhallinyarada ku guubaabiyay inay ku daydaan
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Mandheere ee Gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ku dilay Baadari Kenyan ah
- Dab xoog leh oo baabi'iyay qaybo ka mid ah Suuqa Xerada IFO oo ka mid ah Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
- Xukuumadda Uganda oo sheegtay in diyaarado dagaal oo ay u dirtay Soomaaliya lagu waayay Hawada dalka Kenya