Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa bartamaha magaalada Mandheera ee dalka Kenya ku toogtay baadari Kenyan ah, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan baadariga la dilay halka uu ka yimid.
Goobjoogayaal kala duwan oo ku sugan Mandheera ayaa saxaafadda u sheegay in baadariga uu kasoo baxay kaniisad ku taalla magaalada, halka warar kalena ay sheegayaan inuu kasoo baxay goob ganacsi oo uu ku leeyahay magaalada.
"Baadariga waxaa lagu dilay bartamaha magaalada Mandheera, waxaana toogtay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba baxsaday," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka lagu dilay baadariga.
Saraakiil u hadlay booliiska Kenya ayaa durba ku eedeeyay dilka baadarigan inay ka dambeyso Xarakada Al-shabaab, inkastoo aysan weli Al-shabaab ka hadlin dilkan oo dhacay xalay fiidkii.
"Dableyda dilka geystay waxay u baxsadeen degmada Balad-xaawo oo daris la ah degmada Mandheera," ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska degmada Mandheera oo aan magaciisa sheegin, isagoo intaas ku daray inay baaritaanno wadaan.
Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii ciidammo Kenyan ah iyo darawal ka tirsanaa shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom lagu dilay meel ku dhow degmada Mandheera, iyadoo mas'uuliyadda weerarkaas ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.
Kenya ayaa waxay bishii Oktoobar ee sannadkii hore kumannaan askarteeda ah oo ku biiran sannadkan AMISOM u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay falal ammaan-darro ah oo ka dhacay gudaha dalkaas; balse Al-shabaab way iska fogeysay eedeymahaas.
Tan iyo markii ay Kenya ciidamada u soo dirtay Soomaaliya waxaa dalkaas ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lala beegsanayo shaqaalaha dowlada, ciidamada iyo dadka aaminsan diinta masiixiga.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Mandheere ee Gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ku dilay Baadari Kenyan ah
More News
- Danjire Mahiga oo sheegay in Toddobaadka soo socda lasoo dooran doono Afhayeenka Baarlmaanka iyo Madaxweyne
- Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Beelaha una dhoofay dalka Sucuudi Carabiya
- Madaafiic Culus oo la isku Weydaarsaday duleedka Degmada Afmadow ee Galbeedka Gobolka Jubbada Hoose
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo cayimay Wakhtigii ay Doorashooyinka Golaha Deegaanku dhacayaan
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay Suxufi
- Madaxweynaha Soomaliland oo soo dhaweeyay guushii uu gaadhay Mo Faarax, isagoo Dhallinyarada ku guubaabiyay inay ku daydaan
- Dab xoog leh oo baabi'iyay qaybo ka mid ah Suuqa Xerada IFO oo ka mid ah Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
- SHARIIF XASAN: "Haddii xilka Madaxweynenimo la ii doorto Soomaaliya waxaan ku maamulayaa Cadaalad"
- Xukuumadda Uganda oo sheegtay in diyaarado dagaal oo ay u dirtay Soomaaliya lagu waayay Hawada dalka Kenya